Diyaarado dagaal, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay Deegaanka Labaatan Jirow, oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.
Diyaaradahan, ayaa waxaa iska leh Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, waxaana la sheegay inay weerarkaasi gaysteen, ka dib markii laga war helay in Ururka Al Shabaab uu shir kaga socday Deegaankaasi.
Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan, isla-markaana uu u dhacay sidii loogu talla-galay.
Wasiirka waxa uu bidhaamiyay duqeymahaasi in khasaaro buuran ay ka soo gaartay Ururka Al Shabaab, inkastoo aanu sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha iyo haddii ay jiraan shakhsiyaad si gaar ah loola beegsaday iyo haddii kalaba.
Wasiirka oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA waxa uu duqeymahan uu ku sheegay kuwo uun qayb ka ah hawlgalada Xoogaga Amisom, ay ka wadaan Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya, sida uu yiri.
Xasan Xuseen Maxamed, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in hawlgalada xilligan ka socda Goboladaasi lagu soo gaba gabeen doono Xoogaga Ururka Al Shabaab, ee dagaalka ka wada.
Duqeymahan, ayaa xaalad kacsanaan ah ka abuuray Deegaanka Labaatan Jirow, iyadoona uu qalqal soo wajahay shacabka ku dhaqan, oo baqdin ka muujinaya duqeymo hor leh oo diyaaraduhu ka gaystaan halkaasi.