Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya ciidamada Itoobiya inay isaga baxeen goor dhaweyd Deegaanka Buq aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana durbadiiba deegaankan la wareegay ciidamada Itoobiya.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somalia ee Gobolka Hiiraan, ayaa xaqiijiyay ciidamada Itoobiya inay ka baxeen deegaankaasi, waxaana sababta ay ku sheegeen inay tahay xeelad dagaal.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Cabdulle, ayaa sheegay sababta ciidamada Itoobiya ay uga baxeen deegaan Buq aqable ay tahay xeelad dagaal, isaga oo ka gaabsaday inuu faah faahin rasmi ah ka bixiyo halka ay qabteen ciidamadii ka baxay deegaanka.
Waxa uu sheegay Sarkaalkaan ciidamada Dowladda inay ku sugan yihiin meel aaan ka fogeyn Buq aqable, wuxuuse beeniyay wararka sheegaya in Ururka Shabaab ay qabsadeen deegaankaasi.
Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya ciidamada Shabaab inay gudaha u galeen deegaanka Buq aqable, markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya, halka ciidankii Dowladda ee deegaanka joogayna ay isaga baxeen halkaasi.
Ciidamada Shabaab oo aad u badan ayaa galay deegaanka, xilli dadweynaha ay isugu soo baxeen wadooyinka Magaalada oo ay daawanayeen ciidamada Shabaabka ka tirsan ee soo galay Deegaanka Buq aqable.
Maalmahan dambe ciidamada Amisom ayaa ka baxaayay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolada dalka, iyadoo aanan la ogaan karin sababta rasmiga ah ee Amisom deeganadan ay u baneynayso.