Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa qarax bam waxaa lagula eegtay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, xilli ay marayeen suuqa Khudaarta Magaalada Marka.
Qaraxaan oo ah bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa waxaa khasaaro ay kasoo gaartay dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa, waxaana dhaawacmay labo ruux.
Guddoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin, ayaa sheegay ciidamada Amisom qaraxaasi in lala eegtay xilli ay marayeen Bartamaha Magaalada.
Wuxuu sheegay labo ruux inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo hada xaaladooda caafimaad lagu daaweynaayo Isbitaalka Magaalada Marka.
Ciidamada Amisom, ayaa xilliga qaraxa lala eeganaayay waxa ay marayeen Suuqa Khudaarta Magaalada Marka, waxaana ay ahaayeen kuwa lugeynaya.
Guddoomiyaha Magaalada Marka, ayaa sheegaya inay wadaan baadigoobka shaqsigii ka dambeeyay bam gacmeedka lagu tuuray ciidamada Amisom, isaga oo sheegay inay rajeynayaan inay soo qabtaan ruuxaasi.
Ma’ahan markii ugu horeysay ciidamada Amisom qarax lagula eegto Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.