Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa ka cabanaya mushaar la’aan haysata muddo dhow r bilood ah, xilli ciidamadan guluf dagaal ay kula jiraan ciidamada Ururka Al Shabaab.
Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Howlgalka Amisom,Ciidamada Uganda Qaybta 14-aad ayaa la ogaaday in 9-kii bil ee la soo dhaafay aysan wax mushaar ah helin.
Wargeyska The Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda, ayaa qoray warbixin la xiriirta mushaar la’aanta ciidamada Uganda ay ka cabanayaan, isaga oo soo xiganaya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Uganda ee Amisom qaybta ka ah.
Ciidamadii ugu dambeeyay ee ka tirsan kuwa Uganda ee Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay la keenay Somaliya, ayaa la sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan.
Afhayeenka Militeriga dalka Uganda Col. Paddy Akunda, ayaa sheegay inay jirto mushaar la’aanta ciidamada ay ka cabanayaan, balse waxa uu meesha ka saaray muddo 9 bilood ciidanka inaysan wax mushaar ah qaadan.
Ciidamada ugu badan ee howlgalka Amisom ka tirsan waa kuwa dalka Uganda ka socda ee Somaliya ka howlgala, balse xilligan waxaa soo food saartay mushaar la’aan.
Ciidamada Uganda ayaa 1-dii Bishan, waxa ay la kulmeen weerar culus oo kaga yimid dhanka Ururka Al Shabaab, kadib markii Shabaab ay galeen Saldhig Amisom ay ka degan yihiin Degmada Janaale.