Dowladda Kenya, ayaa waxay xilligan ciidan u soo dirtay xuduuda dhinaca badda kala dhaxeyso dalka Somaliya. Ciidankan waxay ka madax bannaan yihiin Ciidamadeeda Militariga ee qaybta ka ah Amisom.
Ciidankan, ayaa ka tirsan Ciidamada Kumaandoska Kenya, waxayna ka yimaaden dhinaca Degmada Lamu Ee Gobolka Xeebta Kenya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay ka qayb qaadanayen olalaha Al Shabaab looga saarayo Gobolkaasi.
Faarax Haybe Xaaji, Gudoomiyihii Hore Degmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in xuduuda Gobolkaasi la lee yahay Lamu lagu arkay ciidan xoogan oo ka socda Kenya, xilli uu sheegay inaanay ka tirsanayn Amisom.
Haybe oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa tilmaamay Kenya inay doonayso in Ciidankaasi ay ka hortaggan Xoogaga Ururka Al Shabaab, oo weeraro ka gaysanaya dalkaasi.
Arrintan waxay imaanaysa xilli Kenya ay murun ka keentay badda Somaliya, ka dib markii ay ogaatay in kheyraad fara badan uu jiro badda Somaliya, gaar ahaan dhinaca ku dhow xuduuda ay la wadaagto Somaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Golaha Qaranka Ee Difaaca & Xiriirka Dibadda Kenya, Ndung’u Gethenji, ayaa bishii July sheegay Kenya inay ciidan u dirayso halka uu murunka ka taagan yahay ee badda.
Shacabka Somaliyeed, ayaa dareen xasaasi ah ka muujiyay damaca Kenya ee ka dhanka ah badda Somaliya, iyadoo Kenya ay ku doodayso inayba iyadu lee dahay badda Somaliya.