Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saaka aroortii, waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay ku leeyihiin duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka oo ahaa mid qorsheysan oo Shabaab ay soo abaabuleen, ayaa waxa ay ku beegsadeen fariisinka ciidanka, iyadoo ciidamada Dowladda ay si adag isaga caabiyeen Xoogagii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.
Guddoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa sheegay ciidamada Dowladda inay si adag isaga caabiyeen weerarka Shabaab ay ku soo qaadeen, wuxuuna sheegay dagaalkaasi hal Askari inuu kaga geeriyooday dhanka ciidamada Dowladda.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamada Dowladda ee weerarka lagu soo qaaday, isaga oo intaasi raaciyay Shabaab inay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalka, balse ma sheegin inta uu la eeg yahay khasaaraha Shabaabka ay gaarsiiyeen.
Guddoomiyaha Qoryooley, wuxuu tilmaamay Shabaab inay isku dayeen inay soo galaan Magaalada, laakiin uma suuragelin isku daygaasi.
Ciidamada Shabaab ayaa beryahan kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan Gobolka Shabeellaha hoose, xilli la xusuusto weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 1-dii Bishan Degmada Janaale fariisinkii ay ku lahaayeen ciidamada Amisom.
Shabaab dhankooda wax faah-faahin ah kama aysan bixin weerarkaan saaka aroortii ay ku qaadeen fariisinka ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka Degmada Qoryooley.