Ciidanka Xooga Dalka & Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa maanta si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Caliyow Deeyow, oo 50km dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Huwanta, ayaan wax iska caabin ah kala kulmin Xoogaga Ururka Al Shabaab, oo isaga baxay Deegaankaasi. Ka hor inta aynaan gaarin Ciidamada Huwanta, ayaa waxaa Caliyow Deeyow lagu arkay diyaaradaha dagaalka oo dul heehaabaya.
Ciidamada Huwanta, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaadiid ay lahaayen Saraakiisha Ururka Al Shabaab, oo ay ka mid yihiin hoomey/caasi iyo nooca xaajiyadda loo yaqaano.
Iyadoo uu is bedel ku yimid Maamulkii Deegaanka Caliyow Deeyow, ayaa waxaan jirin wax barakac ah oo ay sameeyen dadka ku dhaqan, bacdamaa uu hawlgalku ahaa mid kedis ah.
Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, ayaa Ciidamada Huwanta ugu hambalyeeyay tallaabada ay kula wareegen Deegaankaasi.
Gobolada Baay iyo Bakool, ayaa waxaa ka soconaya hawlgalo looga sifaynayo Ururka Al Shabaab. Shabaabka waxaa horey looga wada saaray dhammaan Degmooyinka Goboladaasi.