Xoogag ka tirsan Ururka Shabaab ayaa xalay saacada markii ay aheyd 9:50 waxa weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Nabad Suggida ay ku leeyihiin deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay sheegeen Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose, dagaalkaasi oo ay Shabaab soo qaadeen Shabaabka waxaa looga dilay Askar gaaraysa lix Askari, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Shabellaha hoose Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.
Dagaalka oo muddo kooban socday, sidoo kale waxaa Khasaaro uu ka soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa aqaladooda, kuwaasi oo rasaas wiifto ay ku dhacday.
Labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi, iyadoo aanan la sheegin Khasaaro soo gaaray ciidamada Nabad Suggida ee Difaaca ku leh halka loo yaqaan Shanta Golaha sare ee Deegaanka Lafoole.
“Xalay saacada markii ay aheyd 9:50 ayeey Kooxihii nabad diidka dagaal soo qaadeen iyaga ayaana Khasaaro lagu gaarsiiyay lix nin ayaa laga dilay, dhaawacyana waa ay jiiteen oo dhiiga ayaa la arkay raadkoodii, dad shacab ah ayaa dagaalka ku dhaawacmay waa labo ruux.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose.
Shabaab dhankooda weli kama aysan hadlin dagaalkaan iyo Khasaaraha la sheegay in uu ka soo gaaray dhankooda.
Ciidamada Nabad Suggida ee Lafoole ku sugan ayaa saaka ku kalahay raadadkii halkii ay mareen raggii xalay soo weeraray, waxaana ay wadaan ciidamada baaritaano.