Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan ka helaaya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay si buuxdo ul wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Toora Toorow Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamadan oo taageero dhinaca cirka ihi ka helaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ayaa gudaha u galay Deegaankaasi, oo xilligan ay ka wadaan hawlgal amni xaqiijin ah.
Labada ciidan, ayaa iska caabin aan buurnayn kala kulmay Xoogaga Ururka Al Shabaab, taasina kama aanay horjoogsan in ay la wareegaan gacan ku haynta Toora Toorow.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee hawlgalkan horkacaysa, ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), kaasoo sheegay in si nabdoon ay kula wareegeen Toora Toorow.
Wuxuu sheegay gulufka lagu qabtay Toora Toorow in uu ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay Shabaabka u diideen in ay sii jooggaan Deegaankaasi, oo uu ku sheegay mid muhiim u ahaa mintidiinta.
Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Dowladda Somaliya ay heshay digniino ka dhan ah, in Shabaabku ay Toora Toorow ku qorsheynayan weeraro waawayn oo ku wajahan Magaalada Muqdisho.
Tallaabada lagu qabtay Toora Toorow, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo 10 cisho ay ka harsan tahay billashada bisha barakaysn ee Ramadaan. Shabaabka waxaa looga bartay in ay weerarada kordhiyaan, halka lagu gaaro bisha Soon qaad.