Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda Somalia, ayaa saaka aroortii ka dhacay deegaan ku yaallo duleedka Degmada Garbahaareey.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Qodaxey oo ku yaallo duleedka Garbahaareey, waxaana soo weeraray Shabaab, iyadoo ciidamada Dowladda ay iska caabiyeen dagaalkaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka, ayaa sheegay dagaalkaasi inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab.
Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo ka dhashay dagaalkaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Ciidamada Shabaab oo isa soo abaabulay ayaa Salaadii Subax saaka kadib weerarka ku qaaday ciidanka Dowladda ee difaacyada ku leh deegaanka Qodaxey ee duleedka Degmada Garbahaareey.
Xoogaga Shabaab ayaanan weli ka hadlin Dagaalkaan saaka aroortii ay ku qaadeen duleedka Degmada Garbahaareey.
Muddo bil ah, ayaa ka soo wareegatay markii Ciidamada Dowladda & Amisom ay Ururka Al Shabaab kala wareegen gacan ku haynta Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.