Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia oo wata gaadiidka dagaalka iyo Baldoosaro, ayaa saaka aroortii ku jarmaaday Barxadii Kubadda Cagta ee loo yaqaan Horseed ee ku taalla Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.
Goobtaan waxaa degan shacab u badan barakacayaal ka kala yimid Gobolada dalka, xilligii abaarta iyo xaaladaha adag ay ka jireen Gobolada, kuwaasi oo deegaansaday halkaasi.
Qaar ka mid ah shacabka ciidamada ay barakiciyeen ayaa Warbaahinta Muqdisho siyaabo kala duwan ula hadlay, waxaana ay sheegeen in saaka aroortii ay ka war heleen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo mar qura dul taagan.
Waxa ay sheegeen in dadka deegaanka amar lagu siiyay inay ka guuraan halkaasi, iyadoo aysan jirin digniin hore oo kasoo baxday Maamulka Degmada Hodan oo ku aadan shacabkaan laga salkicinaayo Barxadii Horseed ee Degmada Hodan.
Isgoyska Tarabuunka ayaa lagu arkayaa dad barakacayaal oo dusha ku sita Allaabahooda, maadaama ciidanka ay kasoo eryeen halkii ay deganaan jireen dadkaan.
Ciidamada Dowladda ayaa dhowr mar sidaan oo kale shacabkii deganaa uga barakiciyay xarumo Dowladeed oo ilaa hada haawanaya oo aan wax lagu qaban, iyadoo dadkii ku dheefsanaayay ee deganaana ciidanka ay ka barakiciyeen.