Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir, ayaa maanta gudaha u galay Dhismooyinka ku yaala Xaafadda Fiyooraha, oo ka tirsan Degmada Wardhiigley Ee Gobolka Banaadir, iyagoona hawlo burburin ah ka wada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa 19-kii bishii hore ee August ku dhawaaqay in muddo 10 maalmood ah looga guuro Fiyooraha.
Wasiirka waxa uu xilligaa sheegay in Fanaaniinta Hobolada Waaberi ka tirsan, ay iyagu sii deganaan doonaan, laakiin kuwa la doonayo inay ka guuraan ay yihiin dadka kale ee caadiga ah.
Ciidamada Nabad Suggida & Booliska, ayaa beegsanaya dadka caadiga ah ee degan Dhismooyinka Fiyooraha, waxay kaloo burburinayan sandaqadaha ay dadka qaarkii ka dhisteen halkaasi.
Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya inaanay Ciidamada Dowladdu beegsanayn qoysaska xubnaha ka tirsan Fanaaniintii Hobolada Qaranka (Waaberi), kuwaa oo iyagu amar u haysta inay deegaan sii ahaadan. Ma cadase waxa dib iska bedeli doona.
Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay qorsheynaysaa inay soo celiso adeegyadii lagu qaban jiray Ex Fiyoore, oo ay ugu horeyso wecyigelinta bulshada, marka ay dayactir ku samayso guryaha.