Ciidamada Booliska Dowladda Federalka Somaliya, ayaa saaka waxa ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, howlgal lagu xaqiijinaayay ammaanka, sidoo kalena lagu qab qabtay tiro dad ah.
Howlgalkaan ayaa saaka aroortii waxaa lagu qaaday halka loo yaqaan Beerta Daraawiishta oo ay degan yihiin qoysas badan oo Barakacayaal ah, halkan laamaha ammaanka waxa ay uga shakiyeen inay jiraan rag Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaleysanaya.
Gaadiid ay wataan ciidamada Booliska Dowladda Federalka Somaliya iyo ciidamada Amisom, ayaa hareeraha laga dhigay Beerta Daraawiishta, ciidamada waxa ay xireen wadooyinka oo ay u diideen dhaq-dhaqaaqa gaadiidka.
Intaasi kadib ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya ayaa gudaha u galay Beerta Daraawiishta oo ah meel ay ka dhisan yihiin dhismooyin cooshado iyo Jiingado ka sameysan, waxaana baaris kadib ciidamada ay soo qabteen tiro dad ah.
Saraakiisha Booliska, weli kama aysan hadlin howlgalkaan ciidamada ay dadka ku qab qabteen ee saaka laga sameeyay Beerta Daraawiishta oo ka tirsan Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Booliska, Nabad Suggida iyo ciidamada kale ee Amisom ka tirsan ayaa Muqdisho ka sameeya howlgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka Caasimada.