Dagaal culus ayaa lagu qaaday fariisimada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Cade oo ka tirsan Gobolka Gedo, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerareen xalay.
Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ayna dadka deegaanka Ceel Cade ay sheegeen inay maqlayeen jugta rasaas culus iyo madaafiic la isweydaarsaday.
Markii hore dagaalka wuxuu ku biloowday Madaafiic Shabaabka ay ku garaaceen Saldhigyada ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Kenya ay ka sameysteen deegaanka Ceel Cade, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo ciidamada ay isku arkeen.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Ceel Cadde ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha saaka ciidamada Kenya inay isugu yeereen dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay dagaalkii xalay inuu ahaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah oo ciidamada Shabaab ay soo qaadaan.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkaan culus ee xalay ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ilaa hada lama oga, Shabaab kama aysan hadlin sidoo kalena Amisom kama aysan hadlin.
Xoogaga Shabaab ayaa kordhiyay beegsiga ay ku hayaan ciidamada Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa Amisom ee ku sugan Gobolada dalka.
Shabaab ayaa u muuqda kuwa awoodii ay lahaayeen dib u soo noolaanaysa marka loo eego miisaanka ay leeyihiin weerarada ay qaadayaan.