Qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ciidamo Kenyan ah waxaa lagula eegtay degmada Lamu oo ku dhaw xadka dalkaasi uu la wadaago Somaliya.
Qaraxan ayaa ahaa sida la sheegay Miino dhulka lagu aasay, waxaana lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay marayeen gudaha Degmada Lamu sida ay qoreyso Warbaahinta dalka Kenya.
Saraakiil u hadashay ciidanka Kenya ayaa xaqiijisay geerida 1 askari iyo dhaawaca 5 kale oo dhamaantood ka tirsan ciidamada Kenya, kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa miinada ah lala eegtay.
Qaraxan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa sidoo kale waxa uu bur bur soo gaarsiiyay gaarigii ku qaraxday Miinada oo ahaa nooca ay raacaan ciidamada Booliska dalka Kenya.
Ciidamada dhaawaca uu soo gaaray ayaa loo qaaday Isbitaal ciidanka Kenya ay leeyihiin si halkaasi daryeel caafimaad loogu fidiyo, waxaana jirta in isbitaalka ay ku jiraan ciidamo kale oo horay qaraxyo ugu soo dhaawacmay.
Al Shabaab ayaa qaraxan ka dambeeyay, sida Saraakiisha ciidamada Kenya ay sheegeen, inkastoo aysan jirin ciidamada Kenya cid ay gacanta ku soo dhigeen.
Ciidamada Kenya ayaa weeraro iyo qaraxyo sidan oo kale ah kala kulma dagaalyahannada Al-Shabaab, wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya gudaha Somaliya soo galeen 2011.