Ciidamada Nabad Suggida Degmada Wadajir, ayaa gacanta ku soo dhigay nin ka tirsan Al Shabaab oo isaga iyo nin kale Degmadaasi shalay ay ku weerareen, nin sida la sheegay ganacsade ahaa oo ku sugnaa Nawaaxiga Suuqa weyn ee Degmada Wadajir.
Ragga Shabaabka ka tirsan ayaa ninka ganacsadaha ay ee ay weerareen dhaawac u geystay, iyadoo xabadihii ninkaasi ay ku dhaawaceen ay ku soo baxeen ciidamada Nabad Suggida Degmada Wadajir.
Labada nin ee Shabaabka ah iyo ciidanka Nabad Suggida ayaa halkaasi isku rasaaseeyay, waxaana suuragashay ciidamada Nabad Suggida inay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah labadii nin ee Shabaabka ahaa, halka midka kalena uu baxsaday.
Ninkan oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Nabhan ayaa, isaga oo dhaawac ah waxaa la geeyay Isbitaal kadibna halkaasi lagu daaweeyay, iminkana waxa uu ku jira gacanta ciidamada Nabad Suggida.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay ciidamada Nabad Suggida inay baaris ku hayaan, ninkaan Shabaab ka tirsan ee dhaawaca ah.
Xilliga ninkaan la soo qabanaayay, ayaa wuxuu ku dagaalamaayay Bistoolad nooca loo yaqaan Makaaruf, waxaana haaya Bistooladaasi ciidamada ammaanka.
Degmada Wadajir oo ah meesha ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee caasimada ka dhacaya, ayaa tallaabada ciidamada ay ku soo qabteen ninkaan Shabaabka ah, waxaa soo dhaweeyay Maamulka Degmadaasi.