Ciidamada Nabad Suggida oo ay wehliyaan ciidamada Millateriga Somaliya ayaa howlgalo lagu raadinaayo Sarkaal la sheegay in uu la socday C/maalik Johns oo ah Ninka u dhashay dalka Mareykanka ee ciidanka Dowladda isku soo dhiibay isaga oo ka soo goostay Shabaab, ayaa laga sameeyay Gobolka Shabeellaha hoose.
Howlgalkaan ayaa la sheegayaa in lagu soo qabtay tiro dad ah oo ciidamada ay tuhmeen, kuwaasi oo lagu haayo Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa u sheegay Warbaahinta howlgalka in laga sameeyay inta u dhaxeysa Ambareesa iyo Baraawe oo si aad ah loo tuhmaayo in Sarkaalkaasi uu ku dhuumaaleysanaayo.
Sarkaalka ciidanka ay raadinayaan ayaa ah Somali, balse wuxuu aaminsan yahay fekerka ay ku dagaalamaan Shabaabka sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Shabeellaha hoose.
Dadka la soo qabtay ayuu sheegay in la kala saaraayo oo wixii Shabaabnimo lagu helo, baaritaan dheeri ah loo diraayo, halka kuwa kalena la sii deynaayo.
C/maalik Johns oo hada gacanta ugu jira Dowladda Somaliya ayaa ka soo goostay Shabaab, Axadii la soo dhaafay ayuu isku soo dhiibay ciidamada Xooga dalka Somaliyed ee Baraawe ku sugan, waxaana loo soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.
Shabaabka dhexdooda ayaa waxaa ka dhex-taagan kala qaybsanaan ku aadan Saraakiil taageersan Daacish iyo kuwa ku adkeysanaya Fekerka Shabaabnimada.