Saraakiisha ciidamada Milateriga Dowladda Federalka Somalia ee ku sugan Gobolka Baay, ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo Amisom aanan ka tirsaneyn ay qayb ka yihiin dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ka socda Gobolka Baay.
Warkaan waxaa sheegay Taliyaha Guutada 60-aad ee ciidamada Xooga dalka Gobolka Baay Ibraahin Aadan Yaroow oo xaqiijiyay ciidamo aanan ka tirsaneyn howlgalka Amisom inay qayb ka yihiin dagaalada Shabaab looga saaraayo Gobolka Baay.
Ibraahin Aadan Yaroow, ayaa sheegay ciidamo Itoobiyaan ah oo kuwa cirka ah iyo kuwa dhulka ah oo Amisom aanan ka mid aheyn inay dagaalka qayb weyn ka qaadanayaan arintaasi uu sheegay inay tahay mid cad oo aanan la qarin karin.
“Howlgalkeena waxaa ku jira ciidan Itoobiyaan ah oo aan Amisom ka tirsaneyn, ciidan dhanka Cirka ah iyo kuwo dhulka ah oo aysan ka warqabin Amisom ayaa ah kuwa garabka siinaya howlgalka lagula dagaallamayo Al-Shabaab.” Ayuu yiri Ibraahim oo u waramay Idaacada Mustaqbal.
Taliyaha Qaybta 60-aad ee Milateriga Somalia ee Gobolka Baay, ayaa tilmaamay ciidamada Itoobiya ee dhanka cirka ah inay duqeymo la eegtaan xarumaha ciidamada Shabaab ay ku dhuumaleystaan ee ku yaallo Koonfurta Somalia.
Wuxuu tilmaamay duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Dalandoole oo Magaalada Baydhabo 90-KM u jirta inay ku soo qabsadeen hub iyo gaadiid ciidamada Shabaab ay lahaan jireen.
Ciidamada Itoobiya oo Amisom qayb ka ah ayaa ka howlgala Gobolada, Gedo, Baay Bakool iyo Hiiraan, inkastoo hada la sheegaayo ciidamo aanan Amisom ka tirsaneyn oo Itoobiyaan ah inay dagaalka qayb ka wadaan.