Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliyed, ayaa loo sameeyay inay suggaan ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, xilli labadii Bishan la qarxiyay Diyaaradda Daallo oo ku guda jirta Duulimaad ay ugu socotay dalka Jabuuti.
Ciidankaan gaarka ah ee ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyed ayaa ah kuwa si aad ah u qalabeysan, islamarkaana ay ka muuqato heybad ciidannimo.
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kormeer ugu tagay ciidankaasi oo ka howlgalaya Garoonka Aadan Cadde, waxaana uu ciidanka kula dar daarmay inay si adag u sugaan ammaanka Garoonka.
Taliye Xaamud, ayaa ciidamada u sheegay inay baaraan wax waliba oo ka soo dega Garoonka Aadan Cadde iyo wixii ka laga dhoofinaayo, iyadoo si taxadar ah loola dhaqmaayo Bulshada Garoonka Isticmaasha.
Ciidamadan ayaa waxaa qayb ka ah ciidan u tababar sida loola shaqeeyo eeyaha Uriya waxyaabaha Qarxa iyo Kiimikada kale ee Boorsooyinka ama agabyada kale lagu dhex qariyo.
Dowladda Somaliya ayaa horay u sheegtay inay si weyn u adkeynayso ammaanka Garoonka Aadan Cadde oo Dowladda ay la imaanayso isbedel dhanka ammaanka Garoonka.
Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxii ka dhex dhacay Diyaarada Daallo oo siday rakaab gaaraya 74 ruux oo u siday Dalka Jabuuti.





