Ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Federalka Somaliya oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa isugu soo baxay qaybo ka mid ah wadadaasi.
Ciidankaan ayaa la sheegay inay ka soo ambabaxeen taliska Villa Baydhabo ee Degmada Wadajir waxayna isku qaybiyeen labo qaybood.
Ciidanka qaar ayaa u dhaqaaqay dhanka xaafadda Buulo Xuubey, gaar ahaan Suuqa Buulo Xuubey oo ganacsigii ay joojiyeen, halka qaar kale ay u soo dhaqaaqeen dhanka wadada Maka Al-Mukarama, iyaga oo tiro badan ayaana lagu arkay Isgoyska Soobe, KM4 ilaa iyo Dabka.
Dad goobjoogayaal ah oo arkay ciidamadan ayaa sheegay ciidanka inaysan wax dhibaato u geysan dadka shacabka ah, balse ay ahaayeen ciidan muujinaayay mushaar la’aanta haysata.
Goor dhaw ayaa la sheegay Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya inay ku baxeen ciidankaasi, ayna isku dayayaan sidii loo xalin lahaa ciidamada mushaar la’aanta ka cabanaya.
Waxaa xusid mudan maalmahan inuu socday bixinta Mushaarka ciidanka Xooga dalka Somaliya oo qaadanaayay $200 (labo boqol oo doolar), iyadoo muddo ay ka maqneyd mushaarka.




