Nala soo xiriir

Wararka

Ciidamo katirsanaa Khaatumo oo la sheegay in ay ku biireen Dhinaca Somaliland

La Qoray

on

Ciidamo katirsanaa Maamulka Khaatumo uu Hogaamiyo Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa la sheegay in ay ku biireen iskuna dhiibeen dhinaca Maamulka Somaliland, kadib wadahadlo mudo si hoose u socday.

Munaasabada Ciidankan kula biirayeen kuwa Somaliland ayaa lagu qabtay deegaanka Carawayn oo 45 KM u jirta Magaalada Buuhoodle , waxaana kasoo qeyb galay Munaasabada masuuliyiin katirsanaa Maamulka Somaliland.

Ciidankan Khaatumo katirsanaa ee ku biiray Dhinaca Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay ka badnaayeen 200-oo askari, kuwaa oo ku hubeesnaa hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana ciidankan la geeyay xarumo ay maamulka Somaliland leeyihiin.

Maamulka Khaatumo iyo kan Somaliland ayaa wali si rasmi ah uga hadlin ciidankan ku biiray Dhinaca Somaliland, waxa ayna arintan imaaneysa xili Wadahadlo ay u socdaan Maamulada Khaatumo iyo kan Somaliland oo marar badan dagaalamay.

tumo_1

tumo_2

tumo_3

tumo_4

tumo_5

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Wararkii ugu dambeeyay Gobolka Galgaduud iyo Barakac billawday magalada gureceel

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xaaaladda Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa saaka ah mid cakiran, xili qaar ka mid ah Magaalooyinka Gobolkaasi laga dareemayo xaalad kacsaanan ah iyo saan-saan dagaal.

Wararka aan ka helayno Gobolkaasi Galgaduud ayaa kusoo warramaya in dadka degaanka ay cabsi aad u xooggani soo foodsartay, kadib markii Tuulooyinka iyo degaanada hoos yimaada Magaalada Guriceel ay Ciidanaka Dowladda iyo kuwa Galmudug  ay ka wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ay doonayaan in Ahlu-Sunna weerar lagu qaado.

Magaalada Guriceel oo ah meesha ay ugu xooggan yihiin xoogagga Ahlu-sunna ayaa saaka ah mid haawanaysa, kadib markii xalay ay isaga barakacen dadkii degaanka, oo cabsi xooggani ay soo food saarat xalay.

Goobaha Ganacsiga iyo xaruumihii waxbarashada Magaaladaasi ayaa ah kuwo haawanaya, waxaana istaagay guud ahaanba isku socodkii iyo ganacsigii Magaalada.

Ciidanaka Dowladda iyo kuwo Galmudug ayaa xalay waxaa ay gaareen tuulooyin hoos yimaada Magaaladaasi, waxaana ay kaabiga ku hayaan Magaalada sida wararku sheegayaan.

Sidoo kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Ciidamo kale ay ku sugan yihiin Deegaanannada Haraale iyo Baraxwayne oo Waqooyi ka xiga Guri-ceel, waxaana la sheegay in Ciidankaasi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha degmada, iyadoo wararku intaasi ku darayaan in ay qayb ka yihiin diyaar garowga dagaal ka dhan ah Xoogagga Ahlu-sunna.

Xaaladda Magaalada Guriceel oo ah magaalada ugu ganacsiga badan Gobolkaasi, uguna dadka badan ayaa ah mid haatan aad u kacsan, waxaana dadkii ka barakacay xalay ilaa saaka ay gaareen Toolooyinka iyo degaaanada hoos yimaada Guriceel, waxaana dadkaaasi ay sheegeen in ay ka cabsadeen in Cidamadu ay ku dul dagaalamaaan.

Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay Ahlu-sunna ay dib isku soo abaabuleen waxaa uu ku jiray xaalad kacsanaan ah, iyadoo saacad waliba Gobolkaasi laga filan karo in uu ka qarxo dagaal aad u qaraaar, maaddama Ciidanaka labada dhinac ay dagaal u diyaar garoobeen, ayna sidoo kale jiraan Ciidamo farabdan oo Dowladdu ku daabushay Gobolkaasi, si ay Ahlu-Sunna meesha kaga saaraan.

Jahawareerka iyo Colaadaha kasoo cusboonaaday Gobolkaasi ayaa waxaa uu keenay in uu xilkii iska casilo Wasirrkii Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed macalin Fiqi, kaasi oo sheegay in sababta uu xilka uga tagay ay tahay colaadda Gobolka iyo in ay Qooqoor isku fahmi waayeen hannaankii loo wajihi lahaa dagaalka Ahlu-sunna.

sii aqri

Wararka

Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Jubbada hoose

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciidamada dalka Kernya ayaa lagu soo warramayaa in ay dil iyo dhaawac u gaysteen dad Soomaaliyeed oo shacab ah oo ku sugnaa Gobolka Jubbada hoose, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan dhacdadaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidmadu ay toogteen Carab Qoriyow, oo ka tirsanaa dadka degaanka, waxaana togashadu ay ka dhacdayn degaanka raaskaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, sidoo kalena waxaa ay dhaawacyo culus gaarsiiyeen labo qof oo shacab ah.

Wararka ayaa intaasi kun daraya in Ciidamada Kenya ay xasuuq ba’an u gaysteen 40 neef oo lo’ah, kuwaasi oo ay lahaayeen dadka degaanku, ilaa iyo haddana lama oga saabbta rasmiga ah eek a dambeysay in Ciidanku ay ku kacaan dhibaatada intaas la eg.

Dadka degaanka ee ku Nool Raaskaambooni ayaa sheegay in haatan ay cabsi xooggan ka qabaan in tallaabo kale ay qaadaan Ciidanka Kenya, iyadoo sidoo kale ay macquul tahay ay dhibaato hor leh gaarsiiyaan dadka shacab ah ee xoola dhaqatada u badan.

 

sii aqri

Wararka

Gudoomiyaha midowga musharixiinta oo kulan laqaatay madax weenaha maamulka Hirshabeele

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Sommaaliya ahna Musharrax u taaagabn qabashada xilka madaxweynaha Shariif Sheikh Axmed.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay hoyga Musharax Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee dalka uu marayo.

Si gaar ah waxaa kulanka diiradda loogu saaray arrimaha doorahooyinka, gaar ahaan kaalinta Xildhibaanada ee maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen, iyadoo Shariif sheikh Axmed uu bogaadiyay hannaankii ay u dhacday doorashadii Xildhibaanada Aqalka sare ee dhawaan lagu doortay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayaa haatan u diyaargaroobaya doorashada Baarlamaanka aqalka hoose, iyadoo dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay doorashada Aqalka sare.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka2 days ago

Wararkii ugu dambeeyay Gobolka Galgaduud iyo Barakac billawday magalada gureceel

Wararka2 days ago

Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Jubbada hoose

Wararka2 days ago

Gudoomiyaha midowga musharixiinta oo kulan laqaatay madax weenaha maamulka Hirshabeele

Wararka6 days ago

Dadka Ku Dhaqan Guriceel Oo Maanta Bilaaway Inay Ka Barakacaan.

Wararka6 days ago

Soomaaliya iyo Serbia Oo Kawada Hadlay Sidii Loo Hormarin Lahaa Ganacsiga.

Wararka6 days ago

Ciidamada Dawlada Oo Dhaqdhaqaaq Kawada Duleedka Guriceel.

Wararka1 week ago

Maxkamadda ICJ Oo Maanta Go’aan ka Gaareysa Dacwadda Badda Ee Somalia & Kenya.

Wararka1 week ago

Ciidanka Dawlada Iyo Galmudug Oo Gaaray Ceel-dheere.

Wararka1 week ago

RW xukuumada somalia oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka

Warbixinada1 week ago

Warbixin :maalinta calanka 12 october

Wararka2 weeks ago

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Wararka2 weeks ago

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in ay jiraan dad u dhintay Cudurka COVID-19

Wararka2 weeks ago

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degaan ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka2 weeks ago

Alshabaab Oo Dad Ku Toogtay Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka2 weeks ago

Kooxo Hubeysan Oo Dad Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Jowhar.

Wararka2 weeks ago

Duqa Muqdisho Oo Kulan Laqaatay Amb. Mehmet Yilmaz.

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Laftagareen Oo Wadatashiyo Ka Wado Magaalada Baraawe.

Wararka2 weeks ago

Rooble iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo U Dhoofay Magaalada Doha.

Wararka2 weeks ago

Wasaarada Waxbarashada Oo Ka Jawaabtay Cabashadii Macalimiinta Ka Timid.

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Maalada Addis Ababa.

Wararka2 weeks ago

Dawlada Soomaaliya Oo Ciidamo Geysay Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka2 weeks ago

Wararkii ugu Danbeeyey Ee Xaalada Deegaanada Galmudug.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco