Nala soo xiriir

Wararka

Ciidan ka tirsan Dowladda oo Askari Millateri ku dilay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir

La Qoray

on

Wararka inaga soo gaaraya Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya.

Dilka Askarigaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ay toogteen, xilli ay kala dhaxeysay xurguf ku aadan in Askariga Millateriga maalin ka hor uu rasaaseeyay Mooto Bajaaj uu watay nin ay qaraabo yihiin Askarta dilka geysatay.

Dadka ku sugan Suuqa weyn ee Degmada Wadajir ayaa sheegay Ciidamada dilka geystay inay yihiin ciidamada ka tirsan kuwa Maamulka Degmada oo maalmahan raadinaayay Askarigaan ka tirsan Millateriga.

Askarta falka dilka ah geysatay ayaa ka baxsatay goobtii ay ku dileen Askariga kale ee ka tirsan ciidamada Millateriga Dowladda Federalka Somaliya.

Ciidan kale oo ka tirsan Millateriga ayaa soo gaaray Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, waxa ay halkaasi ka qaaden meydka Askariga, inkastoo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay dilka Askarigaasi loo geystay.

Ciidamada Dowladda ayaa isku dila Magaalada Muqdisho dhexdeeda, iyadoo ay u sii dheer tahay dilalka ay u geystaan Ururka Al Shabaab oo ugaarsi ku haaya ciidanka.

Maamulka Degmada Wadajir weli kama aysan hadlin falkaan dilka ah ee saaka ka dhacay Degmadaasi Wadajir.

sii aqri

Wararka

Dagaal Dhex-maray Ciidamada liyuu Boolis & Kuwa Al-Shabaab.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya, Ciidamada Gaarka ah, ee liyuu Boolis iyo Xubno katirsan A-Sshabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaano hoos yimaada degmooyinka Rabdhuure iyo burdhuxule ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ay weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada uu dagaalka ka dhacay.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay in degaannada la weeraray ay Al-Shabaab ka wadeen abaabulka weeraro ay ka geystaan xaduudka iyo Gudaha Itoobiya.

ilo wareedyo ku sugan degaannada lagu dagaalamay ayaa sheegay in fariisimo muhiim u ahaa Al-Shabaab ay la wareegeen Ciidamada Gaarka ah ee Dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Tan iyo markii Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen dhulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa degaannada xaduuda  ah la soo dhoobay Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa liyuu Boolis, kuwaas oo fuliya howlgallo ka dhan  ah Al-Shabaab.

sii aqri

Wararka

Mareykanka oo Ka Hadlay Duqeyn lagu Dilay Sarkaal Katirsan Al-Shabaab.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Al-Shabaab, taasoo ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Qiimeynta bilowga ah ee taliska Maraykanka ayaa ah in duqeynta lagu dilay Sarkaal Sare oo  ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Dowladda Maraykanka ma sheegin magaca sarkaalka lagu dilay duqaynta, balse waxay sheegtay inay macluumaad dheeri ah soo saaridoonto. Balse, dowladda federalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in duqayntan lagu dilay madaxii dacwada Alshabaab Cabdullaahi Nadiir.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, ayaa sheegay inuu sii wadayo tillaabooyinka looga hortagayo Alshabaab oo qorsheynaya weeraro ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay sii wadi doonto tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaaliya si ay u wiiqaan al-Shabaab.

sii aqri

Wararka

Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemayo Gobalka Shabeelada Dhexe.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Abaabul xooggan oo ka dhan ah dagaalka Al-shabaab ayaa ka socda Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana saacadiihii lasoo dhaafay degaanada Gobolkaasi gaaray Ciidamo aad u farabad oo loo diyaariyay gulufka dagaal eek a dhanka ah Al-Shabaab.

Diyaargarow aad u sarreeya ayaa laga dareemayaa degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi, waxaa degmooyinka Raagaceelle, Aaadan Yabaal, Cadale iyo degaanno kale waxaa lagu arkayaa Ciidankii ugu badnaa oo saacadihii ugu dambeeyay lagu daabulay Gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladdaa dhexe ayaa qayb ka ah diyaargarowga dagaalka, waxaana Muqdisho ka bixitimay Saraakiil, Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Xildhibaanno, kuwaasi oo hor kacaya gulufka dagaal ee looga dhawaaqay Gobolka Shabeellaha dhexe, oo degaanno badan ay ka haystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Si waliba waxaa Gobolkaasi saaka si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xooggan oo ay wadaan Bulshada Gobolka iyo Ciidanka Dowladda, waxaana dhawaanahaan socday abaabul ku aaddan sidii Gobolkaasi uu kaga billaaban lahaayeen howgallo Culus oo ku aaddan dagaalada AL-Shabaab.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
News In English4 hours ago

Somalia among highly improved countries in open budget and transparency- According to Open Budget Survey.

Wararka2 days ago

Dagaal Dhex-maray Ciidamada liyuu Boolis & Kuwa Al-Shabaab.

Wararka2 days ago

Mareykanka oo Ka Hadlay Duqeyn lagu Dilay Sarkaal Katirsan Al-Shabaab.

Wararka2 days ago

Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemayo Gobalka Shabeelada Dhexe.

Wararka1 week ago

Dagaal U Dhexeeya Ciidanka DF & Al-Shabaab Oo Ka Socda Deegaan Hoostega Moqokori

Wararka1 week ago

Aadan Barre Ducaale Oo Loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya.

Wararka1 week ago

Dhalinyaro ku Xayirnaa Dalka liibiya Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyey.

Wararka1 week ago

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Kastamka Canshuuraha Magaalada Gaalkacyo

Wararka1 week ago

Maamulka Hir-Shabeelle oo guddi gurmad gaarsiiya u magacaabay degaannada laga saaray Al-Shabaab

Wararka1 week ago

Alshabaab Oo Lagala Wareegey Degmada Buq-Aqable

Wararka2 weeks ago

James Swan Oo Kulan Laqaatay Ra’iisul Wasaar Xamse.

Wararka2 weeks ago

Guddiga Gaadiidka iyo Hawlaha Guud oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee DFS.

Wararka2 weeks ago

Axmed Macalin fiqi ayaa Sheegey In Diyaarahada Aan Duuliya Laheen Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab

Wararka2 weeks ago

Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Dowladda Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Degaano Horleh.

Wararka2 weeks ago

Hamza Abdi Barre Oo Oaray Golaha Wasiirada Dardargalinta Barnaamijka Deyn Cafinta.

Wararka2 weeks ago

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo sheegay in doorashada Madaxweynaha aysan qaban karin

Wararka2 weeks ago

ATMIS oo hoos u dhigtay doorka maleeshiyaadka macwuusleyda ee dagaalka Shabaab

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Deni oo wasiir u magacaabay taliye Ciidan

News In English2 weeks ago

President Mohamud Asks Int´l Partners To Help Somalia Avert Looming Famine & Defeat Scourge Of Al-Shabaab.

News In English2 weeks ago

Somali Government signs UPEACE Charter, opening new opportunities for Somalis

Wararka2 weeks ago

Taliye Odawaa Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka2 weeks ago

Dowladda Qatar oo ugu yaboohday dalal ay kujirto Somalia $12 Milyan oo gargaar ah

Dhegeysi7 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi7 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka7 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka6 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka7 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka6 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi2 years ago

Dhegeysi7 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka5 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka6 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka5 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English7 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English7 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka5 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English7 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English5 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English5 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Wararka4 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

Warbixinada5 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada5 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Daalaco