Mid ka mid ah kolonyo ay la socdeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxaa maanta qarax miino lagula beegsaday wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaarigan, ayaa waxaa si gaar ah qaraxa lagula eegtay inta u dhaxeyso Carbiska iyo Afgooye, iyadoo qaarka dambe uu burbur xoog leh ka soo gaaray gaarigaasi, waxyeelana ay ka soo gaartay askartii la socotay.
Qaraxa ka dib waxaa halkaasi laga maqlay rasaasta cul culus oo dhowr jiho ay u furayn Ciidamada Amisom, walow aan illaa iyo hadda la soo sheegin cid ay waxyeelo ka soo gaartay.
Sidii caadada ahayd Ciidanka Amisom, ayaa waxay xireen wadadaasi, iyagoona u diiday inay adeegsadaan gawaarida, waxaana la arkaayay gawaarida oo ay dib ugu kala celinayan goobihii ay ka kala yimaadeen.
mid ka mid ah dadka ku dhaqan Carbiska, ayaa sheegay gaariga la qarxiyay inuu ahaa kuwa taangiga ee Amisom u adeegsato furimaha hore ee dagaalada.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, laakiin qaraxyada ceynkani oo kala ah, ayaa waxaa gaysta Ururka Al Shabaab oo si weyn kaga soo horjeeda joogitaanka Amisom ee dalka.
Amisom, ayaan dhankeeda wax war ah ka soo saarin khasaaraha dhabta ah ee qaraxaasi ka soo gaaray Ciidamadii la socday taangigaasi.