Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika & Xoogaga Maamulka Jubbaland, ayaa waxay gacanta ku dhigeen markab laga leeyahay dalka Comoros, oo maalmahaanba kalluumeysi sharci darro ah ka waday Xeebaha Magaalada Kismaayo.
Markabkan oo aan la garanayn waxyaabaha saaran, ayaa waxaa la socda sagaal nin oo u dhashay Jazeerada Madagascar, waxaana jira guddi loo xil saaray in baaritaano ku sameeyaan waxyaabaha saaran markabkaasi.
Afhayeenka Maamulka Jubbland, C/naasir Seeraar Maax, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Jubbaland ay guddi u xil saartay baaritaano lagu sameeyo, waxyaabaha ku raran markabka laga lee yahay Comoros.
Taliyaha Ciidanka Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo, Korneyl John Kipta, ayaa sheegay in markabka uu ku soo xirtay Dekeda Kismaayo, lagana dejiyay shaqaalihii saarnaa.
Taliyaha, ayaa cadeeyay in shaqaalahaasi ay ku wareejyeen Maamulka Jubbaland, si uu go’aan kaga gaaro falka lagu soo qabtay, oo uu ku sheegay mid xatooyo kalluun ah.
Saraakiisha Amisom & Jubbaland, ayaan weli soo bandhigin shaqaalihii saarnaa markabkan, balse marka la soo gaba gabeeyo baaritaanada markabkaasi, ayaa waxaa lagu wadaa in Warbaahinta loo soo bandhiggo.
Waa markii ugu horeysay oo Xeebaha Magaalada Kismaayo lagu qabto markab shisheeye, oo ka waday kalluumeysi sharci darro ah, waana tallaabo wanaagsan oo horey u qaaday Jubbaland.















