Maanta, ayaa waxaa Magaalada Garissa Ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya lagu soo bandhigay hub iyo qaraxyo, inkastoo aan lagu soo bandhigin rag Shabaabka ka tirsan, oo sida la sheegay lagu qabtay Magaaladaasi.
Madaxa Ammaanka Ee Gobolka Waqooyi Bari, Maxamed Saalax oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garissa, ayaa sheegay hubka iyo qaraxyada inay la soo qabteen rag uu sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Goobta uu shirka jaraa’id ku qabtay, ayaa waxaa lagu soo bandhigay toddobo bistoolad, toddobo bambada gacanta laga tuuro iyo qasnadaha/sanaadiiqda rasaasta bistooladaha.
Masuulkan, ayaa sheegay in sideed nin oo u dhashay dalka Tanzania ay ku qabteen Magaalada Garissa. Waxa kaloo jira sida uu sheegay niman Soomaali ah oo iyana laga soo dhex qabtay Garissa.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu carab dhabay in laba hablood oo middi u dhalatay Tanzania, midda kalana ay Kenyan tahay, ay ka soo qabteen xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab Ee Gobolka Waqooyi Bari. Hablahaasi ayuu sheegay in loo waday Ururka Al Shabaab, si ay u guursadan.
Maxamuud Saalax, ayaa dadka ay gacanta ku dhigeen waxa uu u kala saaray laba qayb, qayb dooneysay inay weeraro ka gaysato Magaalada Garissa iyo qayb kale, oo dooneysay inay Al Shabaab ku biirto, sida uu yiri.
Saalax, ayaa hoosta ka xariiqay tallaabada dadkaasi lagu soo qabtay inay ka dambeysay, macluumaad ay shacabka reer Garissa la wadaagen Xoogaga Booliska.
Axadii, ayaa waxaa suuqa soo gashay Booliska Garissa inay gacanta ku dhigeen hub iyo rag la tuhunsan yahay, oo loo fishay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.



