Wararka
Ciidanka NISA oo rag la tuhunsan yahay ku xiray Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirada)
Hawlgal muddo saacado ah qaatay oo Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ka sameeyeen Magaalada Baydhabo, ayaa waxay maanta ku soo qab qabteen rag lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.
Ciidanka NISA oo hawlgalkan ka sameeyay xaafadda Cunaay, ayaa waxay ku soo qab qabteen rag fara-badan, waxayna si gaar ihi ugala baxeen lix nin oo si dhow loola xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.
Inkastoo aan raggan lagu soo qaban wax hub ihi, ayaa waxaa hadana jira tuhun ay laamaha ammaanka ka qabaan raggaasi, waana midda keentay in indhaha laga xir xiro, laguna qaado gaadiidka NISA.
Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa waxaa uu sheegay inay aad u tuhmayaan raggaasi, si loo kala cadeeyo waxa ay yihiina, ay ku samaynayaan baaritaano dheeri ah.
Taliyaha, ayaa waxaa uu sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ay Shabaabku ka gaystaan Xarunta Gobolka Baay, sidaasi daraadeedna ay xoojinayaan hawlgaladooda ay kaga hortaggayaan.
Aflow, ayaa dadka deegaanka ku ammaanay sida ay ula shaqaynayaan Ciidanka NISA, iyadoo uu ku booriyay inay laba laabaan wada shaqayntooda, maadaama ay Shabaabku halis ku yihiin nolosha bani’aadamka.
Hawlgalka maanta laga sameeyay Baydhabo, ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida, ay maanta markale xukun dil ihi ku riday afartii nin ee loo haystay qaraxyadii dadka badan lagu laayay, ee 28-kii bishii February ka dhacay Bartamaha Baydhabo.
Wararka
Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada XFS.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,
Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada.
Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah
Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi
Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari’ in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii hore, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soomaaliya;
Ugudanbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.
DHAMAAAD
Wararka
Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Ergeyga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Mudane Aleksandar Vučić, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.
Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.
Barnaamijyo Isbuucle
Maalinta Suuqgeynta ee Shirkada HornAgro
-
News In English2 years ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka4 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka3 years ago
Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.
-
Wararka6 months ago
Latest News: House Sale Contract Signed, Operating Agreement and Amendment, Announcement about Rental Agreement Crossword Clue, Custody Agreement in Maryland, Rollover Agreement Template, Agreement 1980 MP3, Divorce Settlement Agreement South Africa Template, Tax Definition Agreement, Latest Prenuptial Agreement Sample Philippines, Volume Based Discount Agreement