Wararka inaga soo gaaraya Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Somaliya, gaar ahaan ciidanka Nabad Suggida iyo kuwa Amisom ay halkaasi ka wadaan baaritaano ammaanka Degmada lagu xaqiijinaayo.
Ciidamada ayaa saaka aroortii ku kalahay Xaafadaha Degmada Qoryooleey iyo duleedyada Magaalada si halkaasi looga raadiyo hadii ay jiraan rag Shabaab ka tirsan oo Magaalada gudaheeda ku dhuumaaleysanaya.
Howlgalkaan ayaa daba socda dagaalkii cuslaa ee xalay Shabaab ay ku soo qaadeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii Dagaalyahanada Shabaabka ay xalay gudaha u soo galeen Qoryooleey.
Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Nabad Suggida ay dad badan ka qab qabteen Degmada Qoryooleey, kuwaasi oo lala xiriirinaayo inay xiriir dhaw la leeyihiin Ururka Shabaab.
Saldhiga Degmada Qoryooleey ayaa la soo sheegayaa in la geeyay dadkii howlgalka lagu qabtay, inkastoo weli aanan la kala saarin dadkaasi sida Saraakiisha ay sheegayan.
Ciidamada Amisom oo wata gaadiidka dagaalka iyo Askar lugta ku socota ayaa duleedyada Degmada Qoryooleey roondo ka sameynaya, waxaana ay ku socdaan raadadkii ay mareen raggii xalay Degmada Qoryooleey weerarka ku soo qaaday.
Dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Qoryooleey ayaa ahaa mid aad u culus oo ka dhashay Khasaaro kala duwan, inkastoo labada dhinac guulo ay ka kala sheegteen Dagaalkaasi.