Waxaa markii u horeysay taariikhda Kubadda Cagta ee Soomaaliya si toos ah (Live) galabta looga daawanayaa ciyaarta Finalka ee Koobka Jen. Daa’uud ay isaga hor imaanayaan Kooxaha Heegan iyo Horseed.
Ciyaartan oo ah mid xiiso gaar ah leh ayaa galabta oo khamiis ah waxay ka dhici doontaa Garoonka Stadium Banaadir ee degmada C/casiis.
War qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaar garowgii loo baahnaa la sameeyay, si ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Jen. Daa’uud si toos ah looga daawado Telefishinka Qaranka ee SNTV.
Soo gudbinta cayaartan tooska ah ayaa waxaa iska kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, taleefishinka qaranka Soomaaliyeed iyo Horn Connect oo fududeyneysa.
Ciyaartan kama dambeysta ah ayaa waxaa ka soo qeyb geli doonaa kumanaan ruux oo ka kala imaanaya degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana goor sii horeysay ay dadka goosteen Tikidhada ay ciyaarta ku daawanayaan.
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa tani ku macneeyey tallaabo weyn oo horey loo qaaday, kadib sanado badan oo sharci darro iyo degenaansho la’aan ay ka jirtay Soomaaliya.