Nala soo xiriir

Wararka

C/kariin guuleed oo cadeeyay in Ahlu Sunna ay tahay garab muhiim oo ka maqan

La Qoray

on

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa muujiyay in Ahlu Sunna ay tahay garab weyn oo ay u qabaan baahi badan hadii ay yihiin Maamulka Galmudug, balse ay jirto kala feker duwanaansho ku aadan Dhismaha Maamulkaasi.

C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlaayay Xalay xaflad loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inay qirayaan Doorka Ahlu Sunna ee ku aadan Gobolada Dhexe, waxaana uu sheegay Ahlu Sunna inay tahay garab muhiim ah oo ka maqan.

Waxa uu tilmaamay Khilaafka Ahlu Sunna iyo Galmudug u dhaxeeya inay suuragal tahay inay ka faa’iideystaan Ururka Shabaab, waxaana uu ka digay inay arintaasi dhacdo.

“Kala qeybsanaanta noo dhaxeyso anaga iyo Ahlu-sunna waxaa ka faa’ideysan karo Ururka Al Shabaab oo labadeenuba aan dagaal kula wada jirno, marka waxaan u soo jeedin lahaa walaalaheen Ahlu-sunna inaan ka wada shaqeyno danta Shacabka”, ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa horay u sheegtay inaysan diyaar u aheyn wada hadal ay la gasho Maamulka Galmudug ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka hadlaayay arimaha ku aadan dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxa uu sheegay dhawaan in la gaari doono Heshiis rasmi ah oo lagu soo afjaraayo wixii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

“Aad ayaan oga xunahay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ahaa mid aynan ku talo galin labada Maamulba, waxaana oga mahad-celinayaa madaxda Puntland iyo dhammaan madaxda Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen joojiyo dagaalkaas, heeshiiskii Gaalkacyo dhameystirkiisana dhawaan ayuu dhici doonaa,” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo xalay shacab aad u tiro badan kula hadlay xaflad loogu qabtay magaalada Nairobi.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii Maanta Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa waxaa gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho, xili uu doonayey inuu gaariga kasoo dego.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawaca soo gaaray Macalimuu uusan aheyn mid halis ah, isla markaana uu yahay dhaawac fudud.

Xaaladda Caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa la sheegay inay wanaagsan tahay, uuna Caafimaad qabo, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku howlan la tacaalida xaaladdiisa ee Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

sii aqri

Wararka

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaartay in la duqeeyay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland.

War-saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka xun tahay falka lagu duqeeyay Xarumaha Hormuud, waxaana tacsi loo diray Shirkadda oo duqeynta kasoo gaartay burbur.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay xiriir la sameeyneyso Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee dowladda Soomaaliya ka taageera howlgalada amniga, si dowladda ula wadaagto dareenkeeda, loona ogaado sababta loo duqeeyay Xarumaha Shirkadda.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa tilmaamtay in dowladda Federaalka ay baaritaano rasmi ah ku sameeyn doonto dhacdooyinka soo noq-noqday ee lagu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona Wasaaraddu u mahadcelisay saaxiibada ka taageera amniga.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin cidda duqeynta u geysatay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, hayeeshee waxaa loo maleynayaan inay yihiin diyaaradaha Kenya oo dhowr jeer oo hore duqeeyay Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

Hoos ka Akhriso Warka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga.

sii aqri

Wararka

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaana uu ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah, iyada oo dagaalka siwyen looga maqlay gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen dhinaca uu weerarka kaga yimid, balse aan weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudur ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxaana Saldhigyadii la weeraray ku sugan Ciidamada Itoobiya.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka4 days ago

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wararka4 days ago

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

Wararka4 days ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

Wararka4 days ago

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Wararka1 week ago

Faah faahin Laga Helay Qarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Wasiirka Amniga Oo Fasaxay Qabashada Banaanbax Ka Dhacayo Muqdisho.

Wararka1 week ago

Tahriibayaal ku Xayirnaa Dalka Liibiya Oo Muqdisho lagu Soo Celiyay.

Wararka1 week ago

Dowladda Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaalida

Wararka1 week ago

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magalaada Muqdisho.

Wararka1 week ago

UN Ka Oo Soo Dhaweeyey Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka1 week ago

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Sheegay inay Howlgal Ku Dileen Dagaalyahano Katirsan Al-Shabaab.

Wararka1 week ago

RW Rooble Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Midowga Musharixiinta.

Wararka2 weeks ago

Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay War-murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo War-murtiyeed laga Soo Saaray.

Wararka2 weeks ago

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Amar Soosaaray.

Wararka2 weeks ago

Dagaal u Dhaxeya Cidamo Kawada Tirssan Dawlada oo Kadhacay Magaalada Guriceel .

Wararka2 weeks ago

Golaha Wadatashiga Qaran Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Soconayo Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso.

Wararka2 weeks ago

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Isfaham Hordhac ah Oo laga Gaaray Khilaafkii Maamulka Puntland & PSF.

Wararka2 weeks ago

Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Guri ku yaalla Muqdisho oo lagu Beeray Xashiish.

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaarihii Dalka Suudaan Oo iska Casilay Xilkii.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco