Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku guda jira wada tashiyadii u dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay maanta ku egtahay xilliga la sugayo inuu ku soo magacaabo Gole Wasiiro.
Wararka aanu ka heleyno degmada Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweyne Guuleed, Kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa wada tashi ka leh soo magacaabida Wasiirada cusub.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa doonaya in xubnaha Golihiisa Wasiirada ku saleeyo qaabka awood qeybsiga, iyadoo uu marka hore doonayo inuu qanciyo dhinacyada maamulkiisa diidan sida Ahlusuna.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay suura gal tahay inuu soo magacaabo qeyb ka mid ah Wasiirada, isla markaana uu gadaal ka soo dhameystiro, maadaama wali ay socdaan wada tashiyada iyo qancinta beelaha iyo dhinacyada diidan.
Mr Guuleed ayaa sidoo kale ayaa qorsheynaya in xilalka ugu culus ee Wasiirada uu siiyo beelaha tunka weyn ee Gobolka, si uu marka hore u maareeyo cabashada jirta, waxaana la ogeyn sida xubnaha Ahlusuna Wal-jameeca ee ka soo horjeeda maamulka Galmudug ay ugu qancin karaan xilal la hadal haayo in laga siiyo Maamulka Galmudug.
Siyaasiyiin badan iyo dad xil doon ahaa ayaa maalmihii u dambeeyay ku qul qulayay Cadaado, si ay xilal uga helaan Maamulka Galmudug, waxaana Madaxweynaha la sheegay inuu horay u bixiyay balanqaadyo xilal, intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada.