Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa mar kale diiday inay ka qaybgalaan kulanka maanta oo tallaado ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya uu ugu yeeray inay ka qaybgalaan.
C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan xubnaha ugu cad cad ee Mooshinka hor boodaya, ayaa sheegaya inaysan marnaba ka qaybgalayn kulanka Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu ku baaqay maanta.
Waxa uu sheegay sababta inay tahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya in uusan dhex-dhexaad ka aheyn arinta ku saabsan wada hadalka, isaga oo intaasi ku daray Guddoonka Baarlamanka Somaliya in uu doonayo in uu hadhoow sheego wax aysan Xildhibaanada isku afgaran.
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal, laakiin marnaba aysan raalli ka aheyn hanaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya uu u wado hadalka uu ku baaqay.
Goodax waxa kale uu sheegayaa hadii ay yihiin Saxiixayaasha Mooshinka inay rabaan Mooshinkaan in la geeyo Baarlamaanka hortiisa oo cod loo qaado, kadibna codkaasi lagu kala baxo.
10-kii Bishan ayeey aheyd markii ugu horeysay ee uu furmay wada hadal Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku sheegay mid lagu xalinaayo Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Somaliya, inkastoo kulankaasi Xildhibaanada wada Mooshinka intooda badan aysan ka soo qaybgalin.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya shalay ayuu ugu yeeray Xildhibaanada wada Mooshinka inay yimaadaan kulan maanta oo tallaado ah ay isugu imaanayaan Xildhibaanada saxiixay Mooshinka iyo madaxda.