Dab xoog leh oo saaka aroortii hore ka kacay suuqa Gikomba ee magaalada tan Nairobii ayaa baabi’iyay hanta ku kaceysa malaayiin shilinka dalka ah.
Tan iyo saaka waxaa socday dadaallada lagu doonayay in dabkaasi lagu damiyo, Ilaa iyo hadana ma jiro wax qasaare nafeed ah oo lasoo tabiyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka uu bilowday saaka waabarigii ka hor abaare 3-di, lamina oga waxa rasmi ahaan sababay.
Waxaa baaba’ay inta badan qeybihii uu ka koobnaa suuqaan oo lagu iibin jiray qalab fara badan oo ay ka mid yihiin dharka iyo kabaha huudheyda ah.
Ciidamada booliska ayaa gaaray suuqa, waxaana howlaha lagula tacaalayay dabka ka qeyb qaadanayay ilaa 5 gaari oo kuwa dab damiska ah.
Taliyaha Booliska Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in dabkaasi sida la tuhunsanyahay uu ka bilowday mid ka mid ah bakhaarrada suuqa, kadibna uu kuwa kale ku sii fiday.
Gikomba ayaa ah suuqa kor ka banana ee ugu weyn Gobolka waxaana maalin kasta ka dukaameysta kumanaan ruux oo u doonta alaabo kala duwan oo ay lacago raqiis ah ku raadinayaan.
Waa markii 2-aad ee mudo 1 bil gudeheed ah uu dab ka kaco suuqaan.