Wararka ka imaanaya deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dad ku dhow toban ruux ay u geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay deegaankaas.
Guddoomiyaha deegaanka Xawaadley Cabdulle Macaani Beerow ayaa sheegay in cudurka uu soo ritay, yar iyo weyn, isla markaana uu si isku mid ah u saameeyay cudurka.
“Bisha Maarso sida ay u dhalatay illaa iyo hada waxaa isa soo taraya, dadka cudurka uu soo ridanayo, yar iyo weyn saf ayuu ka maray, shalay waxaa duugnay lix qof, hada waxaa soo duugnay labo qof”ayuu yiri Guddoomiyaha deegaaka Xawaadle.
Waxaa uu sheegay inay ka cabsi qabaan inay sii kororto tirada dhimashada, maadaama dad badan uu soo ritay cudurka shuna biyoodka.
Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in gar gaar deg deg lala soo gaaro dadka uu soo ritay cudurka, isla markaana aysan deegaanka ka jirin goobo caafimaad.
Deegaano ka tirsan gobolada dalka ayaa laga soo sheegayaa cudurka shuban biyoodka oo fara ba’an ku haya, waxaana u dhintay dad badan.