

Warbixinada
Dad Shiicah ah oo rasaas lagula beegsaday dalka sacuudi carabiya
La Qoray
7 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMUgu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay sagaal kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar lagu qaaday goob ay ku kulmayeen dad Shiico ah Bariga Sacudi Carabiya.
Dilka ka dhacay magaalada Saihar Jimcihii ayaa ku soo beegmaya munaasabada ay dadka Shiicada u dabaaldegaan ee Cashuura.
Weerarkan ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen ururka IS, iyadoo Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacudi Carabiya ay sheegtay in qof ku hubeysan qori uu rasaas is aan kala sooc lahayn ugu furay dad Shiico ah kahor inta aysan toogan ciidamada Booliska.
Koox isku magacowday Dowlada Islamiga ah ee Baxreyn ayaa sheegatay in weerarkan ay ka dambeeyeen ayna la beegsadeen wax ay ku tilmaameen macbad ay shayaadiin Shiico ah ay ku sugan yihiin.
Kooxda weerarka ka dambeeyay ayaa waxa ay sheegeen in shayaadiinta aysan ka heli doonin meel ay ku ammaan helaan jasiirada Mohamed. Weeraro kale ayaa laga soo sheegay in ay ka dhaceen bariga Boqortoyada Sacudi Carabiya fiidnimadii Jimcaha.
Bulshada Shiicada ee ku nool boqortoyada ayaa weerarada lagu qaadayo ay sii kordhayaan waxayna bulshooyinka Shiicada ay ku nool yihiin deegaanada qaniga ah kuna caanka ah shidaalka.
Bishii May ee sanadkan ayaa ururka IS waxa ay ku qaadeen weeraro bambaanooyin ah afaafka hore masjid ku yaal magaalada Damman.
Toddobaad kahor ayaa inkabadan labaatan ruux waxa lagu diley tuulada al-Qadeeh xilligaa oo qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu isku qarxiyay masjid ay dad shiico ah ku tukunayeen maalin jimce ah.
Munaasabada Cashura ayaa waxaa ay dadka Shiicada ah xusaan wiilkii uu awowga u ahaa Nabi Muxamad NNKH.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Dowladda Jarmalka oo malaayiin lacag ah ku bixineysa caawinta dadka ku dhibaateysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
La Qoray
4 months agoon
Feb 18, 2022Waxaa Qoray
Abubakar Mohamed
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Jarmalka ee Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ ayaa lagu sheegay in Jarmalku uu 20 milyan oo Yuuro ugu deeqay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) si loogu caawiyo dadka ku dhibaataysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
War-saxaafadeedka oo xusay in kaalmadaasi la marsiinayo Qaramada Midoobay si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa yiri:
Ka dib abaar taariikhi ah, Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ku-dhowaad 13 milyan oo qof ay halis ugu jiraan gaajo. Soomaaliya, qiyaastii 1.4 milyan oo qof ayaa ku barakaci kara abaarta hadda jirta. Halka 7.7 milyan, oo ah kala bar tirada guud ee dadka Soomaaliyeed, ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo. Roob yar uun ayaa ka da’ay dhowr gobol oo Geeska Afrika ah tan iyo dabayaaqadii 2020-ka.
Jarmalku waxa uu Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) siinayaa 20 milyan oo Yuuro si loo hubiyo in dadka ku nool deegaannada khatarta gaarka ah ee ka imaaneysa gaajada ka jirto ay heli karaan gargaar degdeg ah. Maalgelintan ayey tahay in loo isticmaalo, arrimo ay ka mid yihiin, in in ka badan 50,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool lagu siiyo quud loogu talagalay xoolahooda. Dalka Itoobiya, 26 ‘waro’ qallalay ayey tahay in dib loogu biyo dhigo. Kenya, 15,000 oo qoys ayaa lagu wadaa inay helaan lacag caddaan ah.
Qaybo ka mid ah saddexda waddan, roobabku waxay hoos u dhaceen ilaa 70 boqolkiiba. Gobollada qaar ayaa xitaa la daalaadhacaya roobabkii ugu yaraa ee abid.
Xoolo dhaqatada reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada nag ayaa wajahaya dhibaatooyin sii kordhaya. Qoysas aad u badan ayaa lumiyay ishii dhaqaale ee kaliya. Maadaama roob la’aantu ay sidoo kale sababto in dhul daaqsimeedka uu qallalo, reer guuraagii xoolo dhaqatada ahaa iyo xoolahoodii ayaa si sii kordheysa ugu wareegaya dhul-beereedka. Dhulka beerashada ku habboon wuu sii yaraanayaa. Ceelasha iyo nidaamyada waraabka ayaa qallalaya. Khilaafyo cusub oo ka dhashay tartanka beeraha sii yaraanaya, dhul daaqsimeedka iyo ceelasha biyaha ayaa soo ifbaxaya. Dhibaatooyinka ka dhashay iska horimaadyada hubeysan ee ka jira Itoobiya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale ‘Saf-marka Ayaxa’ ee 2020 ayaa xaaladda uga sii daray.
Maalgelintani waxay muujinaysaa habka aasaasiga ah ee dowladda Jarmalka ee gargaarka bini’aadannimo. Ujeeddadeedu waa in la bixiyo caawimo sida ugu dhakhsaha badan iyo sida ugu macquulsan uguna suuragalsan si looga fogaado ama loo yareeyo waxyeellada. Dowladda Jarmalka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay kordhisay gargaarka bini’aadannimo ee Afrika. Sannadkii 2021, waxa ay diyaarisay lacag dhan 564 (Shan boqol, lixdan iyo afar) milyan oo Yuuro si loogu caawiyo qaaradda Afrika.

DOWLADD GOBOLEEDKA JUBBALAND SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
Dowladda Hooseee Degmada kismaayo
OGAYSIISMUHIIMAH
Waxaa dhamaan ganacsatada Degmada Kismaayo lagu wargalinayaa in maamulka dowladda hoose ee degmada kismaayo uu sanadki cusubaa ee 2021 Bisha Janaayo uu bilaabay nidaamka diiwaan-gelinta ganacsiga iyo soo saarista shatiga ganacsiga ee mehered kasta oo ku taala Degmada Kismaayo. Waxaa ilaa hada la diwaangeliyey in ka badan 3,300 oomeheradood.Sanadkan 2022 dawladda hoose ee degmada kismaayo waxay dhiiragelineysa in gamacsiyada hadhay ay sida oogu dhaqso badan is ku diwaangeliyaan una qaatan shatiyada ganacsiga. shatigaas oo ah shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hoose si loola socda dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada ksimaayo.
SUPPORTEDBY:ILO/UNJPLG
Muhiimadda uu leeyahay in la qaato shatiga Ganacsiga Dowladda Hoose:
- In lakala nidaamiyo ganacsiyada heerar kooda kala duwan lagana hortago ganacsiyda sharci darrada ah.
- In ganacsigu yeesho aqoonsi ugaar ah uu na noqdo mid ka masuul ah wixii ku dhaca aqoonsigiisa gaarka ah hadiiuuu isticmaali si sharciga kabaxsan
- In la ilaaliyo bad-qabka iyo caafimaadka ganacsiga.
- In lala socdo tirada iyo hadba kor ukaca ama hoos udhaca ganacsiga magaalada.
- In ay Dowladda Hoose hesho dhaqaale ay kuhormariso arrimaha bulshada.
Yaa ubaahan shatiga ganacsi:
Shatiga waxaa u baahan oo loo soo saarayaa dhammaan nuucyada iyo qeybaha kala duwan ee ganacsi kuwaas oo ka howl gala gudaha magalaada kismaayo. Qof ama shirkadd kasta oo furanaya goob ama xarun ganacsi waxaa waajib ku ah in uu haysto shatiga ku habboon nuuca ganacsigiisa.
Yaa soo saaraya shatiga:
Shatiga ganacsiga Dowladda Hoose waxaa soo saari kara keliya Dowladda Hoose,Majirto hay’ad Dowladeed ama mid gaar loo leeyahay oo bixin karta shatiga ganacsiga DowladdaHoose.
NidaamkaQaadashadaShatigaDowladdaHoose:
- Waa in uu tagaa xafiiska qaabilsan bixinta shatiga ee Dowladda Hoose ee kismaayo
- Waa in uu si sax ah ubixiyaa dhamaan Macluumaadka looga baahanyahay ganacsigiisa sida nooca ganacsiga, goobta uu ku yaalo, aqoonsiga iyo dhamaan wixii macluumaad ah oo looga baahdo waxaana diyaar ugu ah shaqaale u tababaran shaqadaas.
- Kadib dhamaystirka macluumaadkii looga baahnaa waxaa goobtaas ganacsiga lagu sameynayaa qiimayn waxaana loodirayaa shaqaalaha qiimeynta uqaabilsan dowladda hoose.
- Qiimaynta kadib waxaa ganacsadaha loo dirayaa fariin ah nooca ganacsigiisa iyo darajada uu ganacsiga kaga jiro iyo lacagta shatiga ee ku waajibtay
- Fariintaas marka uu helo ganacsaduhu waxaa uu bixinayaa lacagta shatiga waxaan uu kushubayaa khasanada Dowladda waxaana uu dib ugu soo celinayaa warqadda caddeynaysa lacag bixinta xafiiska shatiyada ee Dowladda Hoose si loo siiyo shahaadada shatiga. Sidaas ayuuna ganacsigaasi ku diwaan gashan yahay kuna yahay ganacsi sharci ah.
- Sanad walba bisha koowaad waa in Ganacsaduhu cusbooniistaa shatigiisa Dowlada Hoose.
Si aad u hesho warbixin faah-faahsan ah fadlan tag xarunta Dowladda hoose ee Degmadakismayo

DOWLADD GOBOLEEDKA JUBBALAND SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
Dowladda Hoose ee Degmada Afmadow
Waxaa dhamaan ganacstada Degmada Afmadow lagu wargalinayaa in maamulka Dowladda Hooseee Degmada Afmadow uu sanadka cusub ee 2022 Bisha Janaayo bilaabo doono nidaamka diiwaan-gelinta ganacsiga iyo soo saarista shatiga ganacsi ee Dowlada Hoose kaas oo ku wajahan mehered kasta oo ku taala Degmada Afmadow. shatigaas oo ah shaqada ugu muhiimsan ee Dowladda Hoose si loola socdo dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada Afmadow.Hadaba waa in ay isdiiwaangaliyaan dhamaan ganacsiyada/ meheradaha sida oogu dhaqsiyaha badan.
SUPPORTEDBY:ILO/UNJPLG
Muhiimadda uu leeyahay in la qaato shatiga Ganacsiga Dowladda Hoose:
In lakala nidaamiyo ganacsiyada heerarkooda kala duwan lagana hortago ganacsiyda sharci darrada ah.
- In ganacsigu yeesho aqoonsi u gaar ah uuna noqdo mid ka masuul ah wixii ku dhaca aqoonsigiisa gaarka ah hadii uu u isticmaali si sharciga kabaxsan
- In la ilaaliyo bad-qabka iyo caafimaadka ganacsiga.
- In lala socdo tirada iyo hadba kor u kaca ama hoos udhaca ganacsiga magaalada.
- In ay DowladdaHoose hesho dhaqaale ay ku hormariso arrimaha bulshada.
Yaaubaahanshatigaganacsi:
Shatiga waxaa u baahan oo loo soo saarayaa dhammaan nuucyada iyo qeybaha kala duwan eeganacsi kuwaas oo ka howl gala gudaha magalaada Afmadow. Qof ama shirkadd kasta oo furanaya goob ama xarun ganacsi waxaa waajib ku ah in uu haysto shatiga ku habboon nuuca ganacsigiisa.
Yaa soo saaraya shatiga:
Shatiga ganacsiga Dowladda Hoose waxaa soo saari kara keliya Dowladda Hoose,Majirto hay’ad Dowladeed ama mid gaar loo leeyahay oo bixin karta shatiga ganacsiga ee Dowladda Hoose.
Nidaamka Qaadashada Shatiga Dowladda Hoose:
- Waa in uu tagaa xafiiska qaabilsan bixinta shatiga ee Dowladda Hoose ee kismaayo
- Waa in uu si sax ah ubixiyaa dhamaan Macluumaadka looga baahanyahay ganacsigiisa sida nooca ganacsiga, goobta uu ku yaalo, aqoonsiga iyo dhamaan wixii macluumaad ah oo looga baahdo waxaana diyaar ugu ah shaqaale u tababaran shaqadaas.
- Kadib dhamaystirka macluumaadkii looga baahnaa waxaa goobtaas ganacsiga lagu sameynayaa qiimayn waxaana loodirayaa shaqaalaha qiimeynta uqaabilsan dowladda hoose.
- Qiimaynta kadib waxaa ganacsadaha loo dirayaa fariin ah nooca ganacsigiisa iyo darajada uu ganacsiga kaga jiro iyo lacagta shatiga ee ku waajibtay
- Fariintaas marka uu helo ganacsaduhu waxaa uu bixinayaa lacagta shatiga waxaan uu kushubayaa khasanada Dowladda waxaana uu dib ugu soo celinayaa warqadda caddeynaysa lacag bixinta xafiiska shatiyada ee Dowladda Hoose si loo siiyo shahaadada shatiga. Sidaas ayuuna ganacsigaasi ku diwaan gashan yahay kuna yahay ganacsi sharci ah.
- Sanad walba bisha koowaad waa in Ganacsaduhu cusbooniistaa shatigiisa Dowlada Hoose.
Si aad u hesho warbixin faah-faahsan ah fadlan tag xarunta Dowladda hoose ee DegmadaAfmadow.


Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha Iyo Wafdi La Socday Oo Gaaray Buulo-Burte

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Taliye Ka Tirsan Puntland Oo La Dilay Isaga Oo Howlgal Ku Jiray

Ciidamada Amaanka Puntland Oo Sameeyey Howlgal Lagu Xaqiijinaayo Amniga Garawe.

Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Golaha Shacabka Oo Maanta Villa Hargeysa Kuyeelanaayo kulan.

Muuse Biixi Oo Gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay In La Magacaabayo Guddi KMG Oo Ka Kooban Labada Aqal.

Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Yeelanaya & Ajendihiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga lana kulmay Saraakiisha Ciidamada

Xukuumadda Oo Kordhisay Lacagaha Laga Qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka G/Banaadir & Hay’adaha Amniga Oo Ka Shiray Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha JFS.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Fagaaro Ku Toogtay Nin Haweeneey Dilay

Wafdi Ka Qeyb Galaya Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo Gaaray Muqdisho

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jirtay.

Ciidanka dowlada soomalia oo howlgal qorsheysan ka fuliyay dagmada buur hakaba ee gobalka Bay

Wafdi Ka Socda dowlada Somalia Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Wasiirka maaliyada xukumada soomalia Oo UK Kala Hadlay Taageerada Dib-U-Habeynta Hannaanka Dhaqaalaha Dalka

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”


Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”
