Dagaal culus oo aan waxba leesku reeban, ayaa maanta ka dhacay Deegaanka Libaaxlow, oo ku dhow Deegaanka Tuulo Barwaaqo, oo qiyaastii 18km u jirta Magaalada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo.
Dagaalka, ayaa ka dambeeyay markii Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Jubbaland, ay ku dhaqaaqeen fariisimo ay Ciidamada Ururka Al Shabaab ku lee yihiin Deegaankaasi. Ciidamada oo aan gaarin Deegaankaasi, ayaa waxaa wadada u galay Xoogaga Al Shabaab.
Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa dib u caabiyay Ciidamada Dowladda iyo Jubbaland, waxaana la soo sheegayaa Shabaabka inay difaacdeen gacan ku haynta goobihii uu ujeedku ahaa in laga qabsado.
Dagaalka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhimatay ugu yaraan 25 qof oo labada dhinac ah, oo ay ku jiraan Taliyihii Saldhiga Booliska Ee Degmada Doolow Cabdi Hoosaar iyo Bakaal Affey Maxamed, oo sida la sheegay ahaa Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Beled Xaawo Ee Maamulka Jubbaland.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya dagaalkaasi in lagu dilay Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cagood. Cagood waxa uu ka tirsanaa Saraakiisha Shabaab Ee Gobolka Gedo.
Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Gudaha & Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan), ayaa sheegay dagaalka inay khasaaro culus ugu gaysteen mintidiinta Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka qabsadeen goobihii lagu dagaalamay.
Ururka Al Shabaab oo dhankoodu guulo ka sheegtay dagaalka, ayaa waxay sheegeen inay ku dileen in ka badan 20 ka mid ah Ciidamadii Dowladda iyo Jubbaland, iyagana ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Marka laga soo taggo guulaha ay labada dhinac kala sheeganayan, ayaa waxay warar madax bannaan xaqiijinayan in dagaalkii maanta aanu wax natiijo ah ka dhalan, Ciidamadii weerarka soo qaadayna ay dib ugu laabteen goobihii ay ka soo duuleen.