Wararka aan ka helayno Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya, ayaa sheegaya in maanta Barqadii halkaasi dagaal muddo saacad ah socday uu ku dhexmaray ciidamo Dowladda ka wada tirsan.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Saldhiga Booliska Degmada Baardheere ay weerar ku qaadeen ciidan Dowladda ka tirsan oo loo maleynaayo inay gacan saar la leeyihiin Ururka Shabaab.
Labada ciidan ayaa ku wada dagaalamay Bartamaha Magaalada iyo Aaga Saldhiga Booliska Degmada Baardheere, waxaana ka dhashay Dagaalkaasi Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku geeriyooday dagaalka, sidoo kale waxaa jirta waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah iyo ciidamada intaba, balse ma cadda Khasaaraha rasmiga ah inta uu la eeg yahay.
Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Saldhiga ay weerareen ciidan ka tirsan Dowladda, balse ka careysan dil 6-dii Bishan Magaalada Baardheere loogu geystay Sarkaal ka tirsanaan jiray Shabaab, balse markii dambe ku soo biiray ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.
Sarkaalka la dilay ee Shabaab horay uga soo goostay ayaa lagu magacaabaa Faarax Cali Cabdi (Hariye), Faarax ayaa bilowgii sanadkii 2015-ka isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jirta Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garbahaarey.
Magaalada Baardheere waxaa ka socota Barakac ay sameynayaan dadka shacabka ah ee Magaalada ku nool, maadaama weli ay taagan tahay xiisada dagaalka ah ee u dhaxeysa ciidamada Dowladda kawada tirsan.