Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda uu halkaasi ka dhacay.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay ku dhaqaaqeen deegaan 10-KM u jirta Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, deegaankaasi oo lagu magacaabo Suraya.
Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen Deegaankaasi oo ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen, islamarkaana ay ku guda jireen howlgalka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay hal Askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, sidoo kalena ay kaga dhaawacmeen labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda.
Deegaanka Suraya ayaa wuxuu Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo kaga beegan yahay Dhanka Waqooyi, wuxuuna u jiraa 10-KM waxaana hada deegaankaasi ku sugan ciidamada Al Shabaab.
Ciidamadii Dowladda Federalka Somaliya ee deegaankaasi howlgalka u soo aaday ayaa dib ugu soo laabtay Degmada Buurdhuubo, iyaga oo wata meydka Askariga dhintay iyo dhaawaca labada kale.
Ilaa hada ma cadda Khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Suraya ee Duleedka Degmada Buurdhuubo.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay dhawaan in la qaadi doono howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka bilaabanaya Gobolka Gedo.