Nala soo xiriir

Wararka

Dagaal Udhaxeyey Meleeshiyo Beeleedyo ayaa Waxa uu ka Dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelada Hoose

La Qoray

on

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada daga.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada loo yaqaan waa Cunaynaa waa cabaynaa ee ku taallo Duleedka Magaalada Marka, waxaana ku dhintay qaar ka mid ah maleeshiyaadka dirirta ay dhexmartay.

Inta la xaqiijiyay saddex ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, iyadoo macquul ay tahay in khasaaraha intaasi uu ka bato.

Xaafadaan lagu dagaalamay ayaa waxa ay xigtaa dhanka wadada aada Buufoow Bacaad ee Magaalada Marka ka baxda, dagaalka khasaaraha ka dhashay wuxuu dhacay shalay maqribkii, iyadoo saaka lasoo sheegaayo in dadka ay maqlayaan rasaas teel teel ah.

Qof ku sugan Magaalada Marka ayaa Dhacdo.com u sheegay inay jiraan dhaawacyo ka dhashay dagaalka oo labada dhinac soo kala gaaray, kuwaasi oo lagu daaweynaayo xaafadaha ay kala joogaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalka dhexmaray.

Nin Nabadoon ah oo Magaalada Marka jooga ayaa sheegay in saaka Xaafada Waa Cunaynaa Waa cabeynaa ee duleedka Magaalada Marka laga maqlaayo rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi isku hor fadhida.

Xaalada Magaalada Marka ayaa kacsan, waxaana la sheegayaa inay socoto hub uruursi ay wadaan dhinacyada dagaalka uu u dhaxeeyo.

Horay Magaalada Marka waxaa uga dhacay dagaal beeleed khasaaro kala duwan geystay, inkastoo laga heshiiyay dagaaladaasi, hadana lama oga waxa dib u soo cusboonaysiiyay dagaaladaan u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Muuse Biixi Oo U Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiilada Soomaaliland.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Shir gudoonka Cusub ee  Golaha Wakiilada Somaliland ee manta kusoo baxay doorasahdii ka dhacday magaalada Hargeysa.

Kulan uu la qaatay Gddoonka kadib ayaa Madaxweynaha Somaliland uu u hambalyeeyay, isaga oo sheegay in Maanta ay tahay malin taariikhi ah maadaama lagu guuleystay in ay si nabad ah ku dhacdo doorashada.

Waxaa uu sheegay in doorashadaan ay sidoo kale niyadjab ku tahay cadawga Soomaliland, waxaana uu ugu baaqay Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiilada Soomaliland inay waajibkooda Shaqo si wanaagsan u gutaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahad celiyay xubnaha Cusub ee Golaha wakiilada Somaliland iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inay si nabad ah ku dhacdo doorashada guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland.

sii aqri

Wararka

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Guddoomiye Doortay.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay kulankoodii ugu horreeyay ku yeesheen Magaalada Hargeysa, kaas oo ujeedkiisa  ahaa doorashada Guddoonka Golaha wakiilada.

Doorashada Guddoonka Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamaya min Saddex Xubnood oo ka socda Xisbiyada Mucaaradka oo isbaheystay iyo Xisbiga Talada haaya ee Kulmiye, kuwaas oo ku kala tartami doona Guddoomiye, kuxigeenka 1aaad iyo labaad.

Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif oo ka socda Xisbiyada mucaaradka.

Halka guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaad ay ku tartamayaan min laba xubnood oo ka kala socda Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga kulmiye, waxaana doorashada Guddoonka Golaha wakiilada Somaliland ay tahay mid xiiso badan.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa cod gacan taag ah uga kala codeeynayay musharixiinta guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee kala ah  Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Cabdirisaaq Khaliif.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, waxaana uu sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 Cod, isla markaana uu noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland halka Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon  uu helay 39 Cod.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu ka socda dhinaca Xisbiyada mucaaradka Somalland, waxaana uu tartan adag kala kulmaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

sii aqri

Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan layeshay gudiga doorashoyinka goblada waqoyi

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka7 hours ago

Muuse Biixi Oo U Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Wararka7 hours ago

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Guddoomiye Doortay.

Wararka8 hours ago

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan layeshay gudiga doorashoyinka goblada waqoyi

Wararka2 days ago

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deqey Malaayiin Doolar.

Wararka2 days ago

Axmed Madoobe Oo la kulmay Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashooyinka.

Wararka2 days ago

Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.

Wararka2 days ago

Madaxweyne Qoorqoor Oo Laga Dalbaday Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

Wararka2 days ago

Ciidanka DANAB Oo Howlgal Ka Samayey Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka3 days ago

Ra’iisulWasaare Oo Dalka Dib igu Soo Laabtay Kana Warbiyey Sodalkiisii(Daawo).

Wararka3 days ago

Magaalada Baydhaba Ayaa Waxaa Gaaray Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Wararka3 days ago

Wasaaradda Caafimaadka Oo Fariin U Dirtay Shacabka Soomaaliyeed.

Wararka3 days ago

Duqa Garoowe Oo Ka Hadlay Khasaaraha Uu Geystay Dabkii Sakay Kacay.

Wararka6 days ago

Fahad Yaasiin Oo Magacaabis Sameeyay.

Wararka6 days ago

Cabdullaahi Abyan Nuur Ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo.

Wararka6 days ago

Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku Xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Matabaan

Wararka1 week ago

Guddiyada Doorashooyinka Qaranka iyo Jubbaland Oo Kulmay.

Wararka1 week ago

Qaramada Midoobey Oo Soo Dhaweeyey Gudigii uu Magacaabay Rooble.

Wararka1 week ago

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobalka Hiiraan.

Wararka1 week ago

Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidanka Darawiishta Galmudug Oo Howlgal Sameyey.

Wararka1 week ago

Rooble Oo Magacaabay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Wararka1 week ago

Gen Xijaar Ayaa Magacaabay Afhayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wararka1 week ago

Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Oo Kulan Dhnka Zoomka Ah Yeeshay.

Wararka1 week ago

Danjire Cawaale Cali Kullane Oo laba Shirkadood kala Hadashay Arrimaha Shidaalka Soomaaliya.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco