Ciidamada Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Jubbaland, ayaa waxay maanta ku wada dagaalameen Deegaanka Goobweyn, oo qiyaastii 11km u jira Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Ee Magaalada Kismaayo.
Dagaalkan, ayaa sababay dhimashada 10 askari oo labada dhinac ah iyo dhaawaca 10 kale. Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Kismaayo, oo xilligan wax looga qabanayo xaaladooda caafimaadeed.
Sarkaal diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa Ciidanka Jubbaland ku eedeeyay in ay isku dayeen afduub ay ka gaystaan Deegaanka Goobweyn, isla-markaana ay ka hortaggeen Ciidamada Barre Aadan Shire.
Ciidanka Korneyl Barre Hiiraale
“Laba hablood iyo wiil uu dhalay Korneyl Axmed Shire Warsame ayaa shalay aabahood ku soo booqday Sabca Asharaaf, waxayna ka yimaadeen dalka Kenya. Kismaayo ayay shalay gaari ka soo qaateen oo ay dhigteen Goobweyn, dooni ayay ka soo raaceen Goobweyn oo Sabca Asharaaf ay ku yimaaden. Waad ogtahay Goobweyn iyo Sabca Asharaaf waxaa kala qaybiya Webiga Jubba.” Ayuu yiri Sarkaalkan.
Waxa kaloo uu yiri “Carruurta Korneyl Axmed Shire Warsame waxay xalay ku hooyatay Sabca Asharaaf, maanta markii ay damceen inay Kismaayo ku laabtan, ayaa Goobweyn oo gaarigii ay dhigteen rabeen inay ka raacaan, laakiin Maamulka Raaskambooni wuxuu ugu diyaariyay ciidan afduuba carruurtaasi. Askari ay ilmo adeer yihiin oo carruurta soo raacay ayaa iska caabin sameeyay oo dagaalamay, waxaana u soo gurmaday Ciidankii Sabca Asharaaf. Meeshaas waxaa ka dhacay dagaal adag, 10 nin ayaana ku dhimatay, anaga laba ayaa naga dhimatay, iyagana sideed.”
“Galabta xaaladdu way degan tahay, carruurtiina waa laga soo badbaadiyay Maamulka Raaskambooni. Hadda waxay ku sugan yihiin Sabca Asharaaf oo dib loogu soo celiyay.” Ayuu sii raaciyay Sarkaalku.
Saraakiisha Jubbaland, ayaan dhinacooda ka hadlin dagaalka Salaaddii Jimcaha ka dib ka dhacay Goobweyn. Dagaalkan waxaa laga hadalhayaa Magaalada Kismaayo.