Star FM: Waxaa wali ka soconaya magaalada Balad Weyne dagaal u dhexeeya ciidamo beeleedyo ku sugan xaafadda Howl wadaag ee galbeedka magaaladaas.
Boqolaal qoysas ah ayaa ka barakacay magaalada Balad Weyne, kuwaas oo ka cararaya dagaallada ka socdo magaaladaas iyo fatahaad uu sameeyay wabiga Shabelle, waxaana xaafado badan gudaha u soo galay biyaha wabiga ka soo fatahay.
Biyaha wabiga ka soo fatahay ayaa gaaray faras-magaalaha, waxaana la arkayay dadka oo biyaha dhex socda, waxaana biyaha ay dadku u qabanayeen dhexda.
Maamulka degmada Beledweyn ayaa ku baaqay in loo soo gurmado shacabka isugu darsantay colaada iyo fatahaada, waxaana ay ka digeen xaalado bani’aadanimo.
Gaadiidka waa weyn ee ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa maanta bilaabay in dadka ku go’doomay guryaha inay ka soo saaraan, iyadoo dadkaas ay isugu darsantay biyaha wabiga ka soo fatahay iyo rasaas.
Dadka ka barakacay colaada iyo fatahaada ayaa degay deegaanka Janta-Kundishe iyo Ceel-Jaale ee duleedka Beledweyn, waxaana dadkaas la soo darsay xaalado nololeed.
Colaada ka taagan magaalada Beledweyn ayaa wali wax xal ah laga gaarin, waxaana dadweynaha ay quus ka muujinayaan sii socoshada dagaalada, waxaana guuldareystay dadaalo la doonayay in lagu dhex galo maleeshiyada dagaalamaya.