Waxaa maanta lagu wadaa Magaalada Bristol ee dalka Uk in lagu qabto shir looga hadlaayo dhalinyarada Somalida ee ku biireysa Ururka Daacish, xilli waayahan dambe ay sii kordhayeen dhalinyarada Somalida ee Daacish ku biireysa.
Shirkaan waxaa isugu imaanaya Dadka Somalida ee ku sugan Magaalada Bristol oo ka arinsanaya ka hortaga Somalida ku biireysa Daacish ee ka tageysa dalka Uk.
Kaysar C/laahi Maxamed oo ka mid ah qaban qaabiyaasha Shirka, ayaa sheegay muhiimad weyn inay u leedahay shirkaan dadka Somaliyed, waxaana ay iska xaal wareysan doonaan sida ugu haboon ee looga hortagi karo dhalinyarada Daacish ku biireysa.
Waxa uu sheegay Shirkaan in lagu marti qaaday Imaamyada Masaajidada, Waalidiinta iyo dhalinyaro badan, waxaana la isla lafa guri doonaa kuwa maqan sidii dib loogu soo celin lahaa iyo kuwa hada qorsheynaya, waa dhalinyaradee inay ku biiraan Daacish.
Kaysar, ayaa sheegay inay jiraan waalidiin badan oo ka walaacsan caruurtooda, ugana cabsi qaba inay Daacish ku biiraan.
Waxa kale uu sheegay Waalidiinta caruurtooda ka maqan yihiin in la siinaayo tallooyin badan oo ku aadan sidii caruurtooda dib ugu soo noqon lahaayeen iyo dariiqooyinka loo maraayo.
Dhalinyaro badan oo ka tagtay Dalka Ingiriiska ayaa ku biirtay Ururka Daacish ee Xoogooda ka dagaalama dalalka Syria iyo Ciraaq.