Saraakiisha Ciidanka Militariga Itoobiya Ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay raaligelin ka bixiyen Odayaashii Dhaqanka, ee shalay galab Ciidanka Itoobiya ku dileen Deegaanka Halgan, oo qiyaastii 50km u jirta Magaalada Baladweyne.
Ciidanka Itoobiya, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday gaari caasi ahaa oo ay Odayaasha Dhaqanka la socdeen, xilli ay ka soo amba baxeen Baladweyne, tacsina ay kaga qaybgalayen Deegaankaasi Halgan. Ciidanka Itoobiya waxay ku andacoonayan inay shakiyen gaarigaasi.
Saraakiisha Itoobiya, ayaa maanta waxay kulan la qaateen Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka ku dhaqan Halgan, waxayna u muujiyen sida ay kaga xun yihiin falkaasi, iyagoona cudurdaar ka bixiyay.
Madashii uu kulanka ka qabsoomay, ayaa waxaa lagu soo bandhigay laba askari oo Itoobiyaan ah oo falkaasi loo xiray, waxayna askartu sheegtay in darawalkii gaariga ay ku amrayn inuu joojiyo, balse uu isku deyay in gaariga uu dib ula cararo, iyana ay u qaateen Xoogag Shabaabka ka tirsan oo weerar soo qaaday.
Maxamed Cumar Aadan (Gaduudow), Taliye Ku Xigeenka Aagga Halgan oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay si dhow u muujiyen, sida ay kaga xun yihiin dhacdadaasi, oo si khaldan u dhacday, sida uu yiri.
Taliye Ku Xigeenka waxa kaloo uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Deegaanka, ay aqbaleen raaligelintii ay Saraakiisha Itoobiya ka bixiyen dhacdadaasi, oo lagu dilay ugu yaraan lix nin oo Odayaal ahaa, halka sideed kalana ay ku dhaawacantay.
Odayaasha Dhaqanka ee falkaasi ku dhimatay, ayaa waxaa laga tilmaami karaa Nabadoon Cilmi Shabeel oo ka mid ahaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Tallaabada lagu rasaaseeyay gaarigii ay Odayaasha Dhaqanka la socdeen, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli Khamiistii Ururka Al Shabaab lagala wareegay gacan ku haynta Deegaankaasi Halgan.