Ka dib markii ay soo shaac baxday in la waayay laba boqol oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Mombasa, ayaa waxay Dowladdu dalbatay in la ogaado halka ay ku maqan yihiin dhalinyaradaasi.
Dhalinyaradan oo sanadkii hore laga qab qabtay Masaajido ku yaala Magaaladaasi, ayaa waxaa dhawaan laga sii daayay Xabsiga Dhexe Mombasa, markii waalidiintoodu ay sheegeen in dhalincelin u samayn doonaan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaiserry, ayaa wuxuu sheegay in uu magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya, sababta dhalinyaradaasi looga waayay Magaalada Mombasa.
Wasiirka oo gaaray Magaalada Mombasa, ayaa sheegay Guddigu inay yihiin kuwo runta u sheegi kara bulshada reer Kenya, si loo ogaado halka ay jaan iyo ciriba dhigeen dhalinyarada la la’yahay.
Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Mombasa, ayaa markale ku celiyay dhalinyarada reer Kenya ee ku biirtay Al Shabaab, in weli ay haystan fursad ay kaga soo bixi karayan Al Shabaab, dibna ay isugu soo dhiibi karaan Dowladda.
Wasiirka, ayaa laamaha amniga ugu yeeray inay si wanaagsan ula macaamilan dhalinyarada, haddii ay doonayan inay isaga soo taggaan Al Shabaab, dibna ugu soo laabtan guryahooda.
Hay’adaha amniga Kenya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in iyagu ku khasbayan dhalinyarada inay ku biiraan Al Shabaab. Ciidamada amniga ayaa si aan wanaagsanayn ula dhaqma dhalinyarada ku nool Gobolada Xeebta & Waqooyi Bari Kenya.