Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa soo saaray Sawirada iyo magacyada shan ruux oo u dhashay dalkaasi Kenya, kuwaasi oo sida Kenya ay sheegtay qorsheynaya weeraro Ismiidaamin ah inay ka geystaan gudaha dalka Kenya.
Sirdoonka dalka Kenya ayaa baahiyay Sawirada iyo magacyada Shan ruux oo mid ka mid ah ay tahay haweenay, halka afarta kalena ay yihiin rag dhamaantood u wada dhashay dalka Kenya.
5-ta qof ayaa la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin Saldhigyo ay Xarakada Shabaab ku leedahay gudaha dalka Somaliya, waxaana Kenya ay sheegtay raggaan inay doonayaan in Kenya gudihiisa dhuumasho ay ku galaan, kadibna weeraradaasi Ismiidaaminta ay geystaan.
Dadkaan la doon doonayo ayaa waxaa ka mid ah qof haween ah oo magaceeda lagu sheegay Shamim Wanjiru Hussein.
4-ta qof ee kale oo dhamaantood rag ah ayaa kala ah Omar Patroba Juma, Anwar Yogan Mwok Omar Owiti iyo Ramadhan Kioko.
Ciidamada Booliska dalka Kenya iyo ciidanka Sirdoonka ayaa shaqadooda laba jibaaray si ay gacanta ugu dhigaan, hadii xubnahan ay isku dayaan inay gudaha u galaan dalka Kenya.
Dagaalyahano badan oo Kenyatti ah, Sidoo kalena gacan saar la leh Ururka Al Shabaab ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Keymaha Boni, halkaasi oo ay ka abaabulaan weerarada ay ka geystaan dalka Kenya.