Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay bilaabayso howlaheedii diblumaasiyadeed ee dalka Soomaaliya tan iyo markii Maraykanku uu diblumaasiyiintiisii kala baxay magaalada Muqdisho sanadkii 1990kii.
Si kasta ha ahaatee howlaha diblumaasiyada dowlada Maraykanka ayaa laga wadi doonaa magaalada Nairobi dalka Kenya iyadoo wakiilo ka socda Maraykankana ay u safri doonaan wadanka Soomaaliya si ay howlaha diblumaasiyada u soo gutaan.
Qoraal ka soo baxay afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada ee dowlada Maraykanka John Kirby ayaa lagu sheegay in diblumaasiyiinta Maraykanka ay u safri doonaan dalka Soomaaliya si ay u soo gutaan waajibaadkooda shaqo.
“Arrintan ayaa ah mid ka tarjumeysa dadaalka uu Maraykanku ku doonayo in uu si caadi dib ugu soo celiyo xiriirkii kala dhexeeyay Soomaaliya,”ayuu sii raaciyay afhayeenku.
Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa laga soo xigtay in ay ugu dambeyn ay rajeynayaan in caasimada Soomaaliya Muqdisho ay diblumaasiyiintoodu xarumo ku yeelan doonaan.
Iyadoo wadamada kale ee reer Galbeedka ay safaaradahooda ka furteen magaalada Muqdisho ayaa Maraykanka si tartiib tartiib ah ugu soo dhowaanayaa Soomaaliya waxana Maraykanku uu aaminsan yahay in horumar kale loogaga baahan yahay Soomaaliya.
Sanadkii 1991, ayuu Maraykanku si rasmi ah u xirey safaaradii uu ku lahaa dalka Soomaaliya waxana ay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka u aqoonsatay Soomaliya dal dagaalo sokeeye ay ka dhacayaan.
Hase yeeshee Maraykanka ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya isago hogaaminaya ciidamo ka socda wadamo badan balse waxa Milatariga Maraykanka uu dib uga baxay Soomaaliya sanadkii 1993dii markaas oo 18 askar loogaga diley Muqdisho lagana soo riday diyaarad helikabtar ah waxaana loo bixiyay dagaalka ” Black Hawk Down.” Balse Askarigii Maraykan ah ee ugu dambeeyay ee ka baxa Soomaaliya ayaa ahayd sanadkii 1994tii.
Maraykanka ayaa aqoonsaday dowlada Soomaaliya horaantii 2013 waxana bishii May ee sanadkan magaalada Muqdisho booqasho kedis ah ku yimid xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry. Dhowr maalmood kadib ayaa safiirkii Maraykanku Soomaaliya u soo magacaabaya sababo gaar ah awgeed isu casilay.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa laga dhowrayaa in uu safiir kale u soo magacaabo Soomaaliya hase yeeshee howlaha diblumaasiyada waxaa sii wadi doona sida laga soo xigtay afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka Kirby qunsul.