Diblumaasiyiin sar sare oo ka socday dalalka Shiinaha iyo Mareykanka oo Tallaadadii shalay ku kulmay magaalada Beijing ayaa waxay kaga hadleen ka hor taga weerarada ay kooxaha nabad diidka ka geystaan dalalka Dunida iyo bariga qaarada Africa.
Labada dowladood ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa isku raacay iney si wadajir ah kaga hortagaan waxay ugu yeereen argagaxisada, ayna taageeraan dalalka ku yaala bariga qaarada Africa.
Arinta kulanka ay wada yeesheen diblumaasiyiinta Shiinaha iyo Mareykanka ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaal ka tirsanaa safaarada Shiinaha ee Muqdisho ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotel-ka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Weerarkaasi ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay afar kamid ah xubnaha safaarada shiinaha ee magaalada Muqdisho, sida Shiinaha laga soo xigtay.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood isku raaceen in si wadajir ah kaga shaqeeyaan arimaha amaanka iyo taageero dowlada Soomaaliya laga siiyo la dagaalanka Alshabaab.
Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Shiinaha Cheng Guoping iyo agaasimaha waaxda la dagaalanka waxay ugu yeereen argagixsada Marekanka Tina Kaidanow ayaana isku raacay fikirka dowlada Soomaaliya lagu taageerayo.