Ciidanka Maamulka Galmudug, ayaa waxay maanta si buuxdo ula wareegen Deegaanka Cammaara Ee Gobolka Mudug. Cammaara waxay 100km u jirtaa Degmada Xarardheere.
Ciidanka Galmudug oo toddobaadkii hore ka soo dhaqaaqay Degmada Cadaado, ayaa waxaa maanta u suurta gashay in dagaal muddo kooban soconaayay ay kula wareegan gacan ku haynta Cammaara.
Aadan Cumar Cabdi (Aadan Low) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee horkacaysa hawlgalka lagu qabtay Cammaara, ayaa wuxuu xaqiijiyay in si buuxdo ay xilligan ugu sugan yihiin.
Waxa kaloo uu sheegay Shabaabkii ku sugnaa Deegaanka Cammaara in ay u jiheysteen wadada aadda Degmada Xarardheere, si ay halkaasi dib ugu laabtan, sida uu yiri.
Aadan Cumar Cabdi, ayaa sheegay in iska horimaadkii ay la galeen Shabaabka uu kaga dhaawacmay hal askari, laakiin aanay garanayn waxyeelada soo gaartay Shabaabka.
Aadan Low oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta, ayaa meesha ka saaray in Shabaabku ay lee yihiin awood, ay dib ugu soo laaban karayan Deegaankaasi.
Xoogaga Ururka Al Shabaab oo ka soo tallaabaday Degmada Xarardheere, ayaa laba toddobaad ka hor bilaa dagaal kula wareegay Cammaara, taasoo mowjad qalqal ah ku furtay Maamulka Galmudug.