Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday Deegaanka Yaaqbari-weyne Ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana u suurta gashay inay la wareegan gacan ku haynta Deegaankaasi.
Yaaqbari-weyne, ayaa waxay ka tirsan tahay Degmada Wanlaweyn, waxayna ku taallaa inta u dhaxeyso Leego & Garoonka Balli-doogle, waxaana fariisimo ku lahaa Ciidanka Dowladda Somaliya, iyadoo aynaan Amisom deganayn.
Xoogaga Al Shabaab, ayaa xilligii Salaadda Subax laba jiho ka soo weeraray Deegaankaasi, iyagoo iska caabin kulul kala kulmay Ciidamada Dowladda, dagaalku wuxuu soo gaaray 7-dii subaxnimo.
Ciidanka Dowladda oo hujuum xoog badan kala kulmay Shabaabka, ayaa waxay taasi keentay inay isaga soo baxaan Yaaqbari-weyne, iyagoona u ruqaansaday dhinaca Garoonka Balli-doogle, oo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay degan yihiin.
Ururka mayalka ee Al Shabaab, ayaa dagaalka kula wareegay ugu yaraan laba ka mid ah gaadidka dagaalka ee Ciidamada Dowladda, halka mid kalana ay ku gubeen. Sidoo kalana uu jiro hub ay ka qabsadeen Ciidamada.
Cali Nuur Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay dagaal culus kula wareegen Deegaankaasi, markii buu yiri ay xeelad ahaan uga soo gurteen Ciidamada Dowladda.
Cali Nuur oo la hadlay StarFm, ayaa sidoo kale xaqiijiyay Shabaabku inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Dowladda, halka ay ku qabsadeen laba gaari oo kale.
Sarkaalkan oo ka gaabsaday khasaaraha Ciidanka Dowladda ka soo gaaray dagaalka, ayaa tilmamay in khasaaro uu jiro, laakiin ay dib ka soo sheegi doonaan. Waxa uu intaa ku daray inay wadaan abaabul ay dib ugu qabsanayan Yaaqbari-weyne, sida uu yiri.
Maqribnimadii xalay, ayay ahayd markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay si nabdoon kula wareegen Degmada Janaale, xilli ay isaga baxeen Ciidamada Amisom. Sidoo kale 4-tii bishan ayay dib ula wareegen Degmada Kuntuwaarey, markii Amisom ay soo baneysay.
Mintidiinta Al Shabaab, ayaa waxaa kuu muuqanayso inay culeys ku hayaan Gobolka Shabellaha Hoose, marka loo eeggo Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, kuna sugan tahay Dowladda.