Doorasho maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose ayaa waxaa lagu doortay Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo ka kooban 75 Xildhibaan ayaa codeynaayay hal Xildhibaan ayaa ka maqnaa madasha oo la sheegay inuu xanuunsan yahay, waxaana codka si toos ah u dhiibanaayay 74 Xildhibaan.
Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa helay codadka ugu badan doorashada, wuxuuna helay codad gaaraya 68 cod, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka kooban 74 waa inta codeynaysay.
Arinta xiisaha leh ayaa ah cod Baahiyaha magacyada looga dhawaaqay in kaliya laga maqlaayay Axmed Maxamed Islaam ilaa codadka ay kor u dhaafaan 30 cod.
Musharaxiinta la tartamaysay Axmed Madoobe oo madasha fadhisay ayaa mid ka mid ah oo lagu magacaabo Cusmaan Xuseen Haaji Fayruus, wuxuu helay (2 cod).
Musharax Hilowle Aadan, ayaa helay (2 cod) isagana, Maxamed Cismaan Yuusuf (0)halka ay xumaadeen labo cod oo kale, sidaas ayuuna ku noqday Axmed Madoobe, mar labaad Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi ayaa ku dhawaaqay in Axmed Madoobe uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, waxaana hoolka mar kaliya is qabsaday sacab iyo farxad dadka ay ku soo dhaweeyeen Axmed Madoobe.