Xoogaga ammaanka, ayaa maanta waxay hawlgal ka wadaan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka gadaal markii xalay madaafiic lagu garaacay Degmadaasi.
Inta badan madaafiicdan oo ku soo dhacday xaafadda Xaawo Taako, ayaa waxaa ku dhaawacantay 14 ruux oo shacab ah, iyadoo dadka qaar ay qabaan dhaawacyo culus.
Hawlgalka oo ka socda gudaha Degmadaasi iyo goobaha ka baxsanba, ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu soo qabto xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, inkastoo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo garanayn halka madaafiicda laga soo tuuray.
Xoogaga ammaanka, ayaa waxaa la arkayaa iyagoo baaritaano ku sameynaaya dadka qaar ee wadooyinka adeegsanaaya, waxayna joojinayaan gaadiidka gaarka loo leeyahay.
Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa sheegay in xoogaga ammaanka looga fadhiyo inay cadeeyaan halka madaafiicda laga soo tuuray, isla-markaana ay cadaaladda horkeenaan dembiilayaasha.
Suxufiyiinta Degmada Afgooye, ayaa soo sheegaaya in markii ugu horeysay ay tahay xilli habeen ah in madaafiic lagu garaaco Degmadaasi, waxyeelana ay ka soo gaarto bulshada deegaanka.
Dadka sida xun ugu dhaawacmay madaafiicdaasi, ayaa waxaa suurtagal ah in loo soo qaado Magaalada Muqdisho, maadaama ay u muuqdaan kuwo aan xaaladooda waxba looga qaban karin Isbitaalka Degmadaasi.